‘Xasuuq’ Ka Dhacay Itoobiya Xilli Ay Socdaan Dagaallo U Dhexeeyo Qowmiyadaha Qaar

Saraakiisha dalka Itoobiya waxay sheegeen in dadka waxyeellada ay kasoo gaartay waxa lagu tilmaamay

‘xasuuqa’ ay kamid yihiin haween iyo carruur.

Dagaallada ka socda gobolka Benishangul Gumuz ayaa lagu soo warramaya inay soo abaabuuleen maleeshiyaad ku sugan gobolka Axmaarada islamarkaasna ay jawaab u aheyd qalalaase toddobaadkii lasoo dhaafay ay ku dhinteen 20 qof.

Waxaa lagu soo warramaya in rabshado ay ka taagan yihiin gobolkaas balse ilaa hadda lama garanayo tirada dadka ku dhintay halkaasi.

Afahayeen u hadlay maamulka gobolka Benishangul, Gelata Hailu, ayaa BBC u sheegay in tuulooyin la gubay halka 80 qof oo ku dhaawacmay isku dhacyada loo qaaday isbitaallada aggaasi.

Waxaa uu sheegay in xasuuqa uu halkaasi ka dhacay toddobaadkan taasina waxay ka dhigeysa in xaaladda ay faraha kasii baxday.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa isbaddallo ka sameeyay dalkaasi balse dagaallada u dheexeyo qowmiyadaha qaar ayaa caqabad ku ah amniga dalka Itoobiya waana dhibaatada ugu weyn ee la doonayo inuu joojiyo.

BBC