Xiisad Ka Taagan Maraakiibta Badeecadaha Sida Ee Kusoo Xidhata Dekadda Berbera Iyo Ganacsatada Oo Ka Cabanaya

Berbera(GNN)-Cabashooyin, ayaa ka imanaya qaabka ay u socdaan Badeecaddaha kasoo dega Dekedda Magaalada Berbera, kadib markii ganacsatada badeecadaha kala soo dega marsada magaalada Berbera ay soo waajaheen  gaadidka badeecaddaha u sida ee kusoo xidhanaya Dekedda dib u dhac.

Arrintan, ayaa ka dhalatay sida ay sheegayaan wararku kadib markii Maraakiibta soo gasha Marsada ee badeecadaha sida ay Ciidamada Badda Somaliland kusoo rogeen baadhis ka hor inta aanay kusoo xidhan  Marsada, taas oo maamulka Dekedda ay isku khilaafeen, isla markaana saamayn ku ku yeelatay in gaadiidka badeecaddaha sida laga dejiyo badeecaddaha, iyadoo ganacsatada qaarkood sheegayaan in ay  doonayaan in ay fursada Ciidka badeecaddaha socod siiyaan, isla maraakana ay arrintan dib u dhac ku keentay.

Maareeyaha Dekeda Berbera oo aanu la xidhiidhnay si aanu cabashada arrintan iyo saamaynta ay ku yeelatay hawlihii adeega dekdda  wax uga weydiino, isla markaana fariimo uga dirnay Telefankiisa gancta, ayaanay noo suurta gelin inaanu wax jawaab ah

ka helo.

Dhinaca kale, wararka ayaa sheegaya in muranka ka dhashay arrintan uu Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somalialnd Sareeye Guuto, Maxamed Xuseen faarax (Xrraane) u tegey Magalada Berbera, balse Taliye Xiirane oo aanu sidoo kale khadka Telefoonka kula xidhiidhnay si aanu wax uga weydiino khilaafka ka dhashay hawsha baadhista ee Ciidankiisu wado ayaanay noo suurta egelin.

Ganacsatada Badeecadaha kala soo dega Dekedda Berbera, ayaa marar baddan ka cawday tan iyo markii Dekedda Berbera lagu warejiyay shirkadda Dp, World oo ay wada jir u maamulaan dekedda shirkadda DP. World iyo xukuumadda Somaliland,  balse arrintan ayaa ah mid aan xidhiidh la lahayn cabashooyinkaa hore, iyadoo wararku sheegayaan in shirkadda Dp. World saluug ka muujisay hawsha baashista ee ay maraakiibta kusoo xidhany dekedda ku bilaabeen ciidamadda Ilaalada Xeebaha Somaliland.