BBC-da Laanta Af-Somaliga oo Si Anshaxa Saxaafada Ka Baxsan u Weerartay Madaxa Xisbiga Brexit Mr Nigel Farage Iyo Sababta

Hoos Ka Akhri Qoraalkan ay BBC-da Somaligu ka Diyaarisay Xildhibaan Nigel Farage iyo Waxay Ku Colaadiyeen

Nigel Farage: “Cadawga Midowga Yurub” ee taageeray Somaliland

Nigel Farage waa siyaasi si weyn uga muuqdo masraxa siyaasadeed ee Britain iyo Midowga Yurub.

Wuxuu waday olole ballaaran oo uu Ingiriiska kaga baxayo Midowga Yurub, waxaa uu ka mid yahay dadkii garwadeenka ka ahaa aftidii ka bixidda Britain ee Midowga Yurub.

Nigel Farage waxaa uu kasoo horjeedaa siyaasadda reer Yurub, inkasta oo dhawaan loo doortay in uu xubin ka noqda baarlamaanka Midowga Yurub.

Farage wuxuu necebyahay Midowga Yurub, haddana Xisbiga cusub ee uu dhowr toddobaad ka hor sameeyay ee Brexit ayaa ku guuleystay kuraasta ugu badan ee baarlamaanka Midowga Yurub ku matali doono Britain.

Hoggaamiyihii hore ee xisbiga UKIP ayaa hadda dib ugu laabanaya magaalada Brussels si uu u sii wato ololihiisa ka dhanka ahaa midowga Yurub.

Nigel Farage ayaa horraan taageeray Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland oo uu ku ammaanay sida ay u xoojisay nabadda.

BBC Somali