Xildhibaan Nacnac Oo Madaxweynaha U Soo Jeediyay Inuu Sii Daayo Sheekh Aadan-Sune

Hargeysa (GNN):- Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac ayaa Madaxweyne Biixi ugu baaqay inuu sii daayo Sheekh Aadan-sune iyo culimo kale oo dhallinyaro ah oo la xidhan.

Waxa uu sida oo kale xildhibaanku uu sheegay in maamulka Puntland uu diyaar u yahay wali dagaal, waxaana isaga oo arintan ka hadlaayay uu yidhi “ Madaxweynuu waa uu ku hagaagsan yahay haddii uu 14 kaas Tukaraq uu saamaxay waa dad muslim ah,laakiin markaad wax sii daynayso waa inaad wax ku badalataa, 14-kiina waa aynu sii daynay kuweeniina way haystaan nimankan Puntland ee nimankeena haystaana umaba jeedaan saamaxaad iyo waxaas,imika ayay inagu soo duuleen oo barigi ayay tageen marba dhan ayay inagaga imanayaan.”

Waxa uu xildhibaanku madaxweynaha u soo jeediyay in in uu cafiyo 14 Sheekh Aadan Sune oo xidhan“ 14-kaas nin ee masaakiinta ahaa ee wadaadada ahaa ee wali xidhan ee sheekhu ku jiro sii daa ayaanu leenahay.”

GABILEY.NET