Xukuumada Somaliland Oo Sii Daysay Wiil Ku Eedaysnaa Xidhashadda Dharka Calanka Somaliya

Hargaysa(GNN)Xukuumadda somaliland ayaa maanta Xoriyadisii u celisay Cabdiraxmaan Aar oo dhawaan ciidamadda amaanka somaliland ka soo xidheen suuqa hargaysa isaga oo ku labisan dhar ka samaysan calanka somaliya.

Cabdiraxmaan Aar oo ayaa mudo toddobaadyo ah xabsiga ku jira waxaana uu dhawr jeer ka soo muuqda maxkamadda gobolka maroodi jeex kuwaas Oo Ay Ciidanka Boolisku Hor Keeneen Si Maxkamadu Xadhigiisa Ugu Xalalayso,

Cabdiraxmaan Aar ayaa guddoomiye u ahaa urur ay shegeen inuu la dagaalamayo qabyaaladda,waxaana ururkooda oo hadlay dhawr jeer ay shegeen inaanu dambi lahayn arinta ay ciidanku u xidheena ay tahay mid sharci daro ah.

GABILEY.NET