Afgembi Dhicisoobay Oo Caawa ka Dhacay Ismaamulka Amxaarada Itoobiya.

Telefishinka dalka Itoobiya ayaa goor dhow uu baahiyey warar sheegaya in Afgembi dhicisoobay uu ka dhacay ismaamulka Amxaaradda, kadib markii ciidamo hubeysan ay isku dayeen inay la wareegaan hoggaanka maamulkaasi.

Xarunta Maamulka Amxaaradda ee magaalada Bahr-Dar ayaa la soo weriyey in rasaas xoog leh laga maqlay, ka dib markii ay isku dhaceen ciidamada inqilaabka waday iyo kuwa maamulka Amxaaradda.

Waxaa la sheegay in xaaladda ay weli kacsan tahay, iyadoo wararka la helayo ay yihiin kuwo aad u kooban, iyadoo isgaarsiintu tahay mid cariiri ah.

Xoghayaha Warfaafinta Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Negussu Tilahun ayaa warbaahinta u sheegay in afgembiga uu dhicisoobay, isla markaana ciidamada federaalka iyo kuwa maamulka ay xaaladda gacanta ku hayaan magaalada Bahirdar

Nigussu ma uusan shaacin magacyada ama cidda ay yihiin kuwa ka dambeeyey afgambiga, wuxuuna dadka gobolka degan ugu baaqay inay feejignaadaan oo ay difaacaa gobolkooda.