Daawo :-Madaxweynaha Shiinaha Oo Gaadhay Kuuriyadda Waqooyi Kulana La Qaatay Kim Jong

Madaxweynaha Shiinaha Oo Gaadhay Kuuriyadda Waqooyi Kulana La Qaatay Kim Jong

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

Madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinping ayaa gaaray Kuuriyada Waqooyi si uu ula kulmo Kim Jong-un, waana booqashadii koobaad ee rasmi ah ee madaxweyne Shiinaha ka socda uu ku tago Waqooyiga Kuuriya tan iyo 2005.

Labadan masuul oo afar jeer oo hore ku kulmay Shiinaha ayaa la rajaynayaa in ay ka wada xaajoodaan barnaamijka nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi iyo arrimo dhaqaalaha la xiriira.
Shiinaha ayaa muhiim u ah Kuuriyada Waqooyi maadaama ay yihiin dalka ganacsiga ugu wayn uu kala dhaxeeyo.

Booqashada Xi ayaa timid toddobaad ka hor shirka G20 ee lagu qabanayo dalka Japan, halkaas oo uu kula kulmi doono madaxweyne Donald Trump.

Kulankan ayaa sidoo kale noqon doona midkii koobaad ee uu Kim la yeesho tan iyo kulankii dhex maray Trump iyo Kim ee ka dhacay magaalada Hanoi bishii Feebaraayo, kaas oo dhammaaday iyadoo aan wax heshiis ah laga gaarin baabi’inta hubka nukliyeerka ah ee Kuuryada Waqooyi.

Booqashadan Xi ee labada maalmood ah ayaa noqon doonto middii koobaad ee madaxweyne Shiinaha ka socda uu ku tago Kuuriyada Waqooyi muddo 14 sano ah iyo middii koobaad ee Xi uu ku tago tan iyo markii la doortay 2012.

Waxaa loo arkaa in ay tahay dhibco u kordhay Kim oo la daalaa dhacaya ka dib culays dublamaasiyadeed oo sannadkii hore ku soo kordhay.

Labada masuul ayaan ka baaqsan karin oo isla soo qaadi doona wadahadalladii nukliyeerka ee istaagay iyo shirkii burburay ee Hanoi.

Dadka arrimahan ka faalooda waxay sheegayaan in Xi uu rabo in uu ogaado waxa dhacay iyo bal in horray looga sii dhaqaaqi karo meesha hadda la taagan yahay, xogtaas oo uu marka dambe la wadaagi karo Trump haddii ay Japan ku kulmaan.

GABILEY.NET