Daawo :-Ruushka Oo Dalkiisa Ka Mamnuucay Dayaaradaha Rakaabka Dalka Georgia

Dowlada Ruushka ayaa xanibaad saartay dhamaan diyaaradaha Rakaabka ee dalka Georgia laga bilaabo 8-da bisha July. Arintaan ayaa timid maalin kadib markii uu digreeto soo saaray madaxweyne Vladamir Putin.Dibadbaxo looga soo horjeedo mudane ka tirsan baarlamaanka ruushka ayaa ka dhacay magaalada Tbilisi ee caasimada u ah Georgia.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

Shacabka dalkaan oo horay uga tirsanaa dhul weynihii Soviet-ka ayaa ka carooday in mudanahaan uu qudbad ka Jeediyo Xarunta Baarlamaanka.

Sababaha ka danbeeya in duulimaadyada Goergia in la mamnuuco ayaa lagu sheegay si loo xaqiijiyo amniga Ruushka, sida lagu sheegay war saxaafadeedka ayaa ka soo baxay aqalka Kremlin-ka.

GABILEY.NET