Maxkamad Ku Taala Dalka Maraykanka Oo Wiil Soomaali Ah Ku Xukuntay Xabsi Iyo Tarxiil

Maxkamad ku taallo dalka Mareykanka ayaa xukun ku riday muwaadin Somaliyed oo lagu eedeeyay falal xatooyo qaran ku saleysan.

Maxamed Khaliif oo 21 jir ah ayaa la soo taagay maxkamad ku taalo Gobolka Minnesota ee dalka mareykanka, halkaasi oo lagu soo bandhigay eedeymaha loo haystay.

Maxamed ayaa lagu eedeeyay inuu xaday xogta kaararka lacagta iyo inuu iibinaayay qalab uu ku kaydsanaa heshiisyadda Maaliyadeed dalka Mareykanka.

Maxkamadda waxa ay sheegtay in eedeysanaha uu qirtay falka lagu soo eedeeyay.

Garsooraha Maxkamadda, Mathiyo Istewart waxa uu ku xukumay eedeysanaha xabsi affar sanno ah iyo in maraykanka laga masaafuriyo marka uu dhamaysto Xukunkiisa.