Dab Qabsaday Suuqa Gobonimo Ee Magaalada Hargeysa Iyo Khasaaraha Ka Dhashay+Sawiro

Hargeysa ( GNN):-Abaaro 10 :25 Pm habeenimo ee xalay ayaa dab qabasaday qaybob ka mida suuqa gobanimo ee Magaalada Hargeysa, gaar ahaan Bakhaaro ku yaalla qaybo ka mida Xusbiga, kuwaasoo ay ku kaydsanayeen khudaarta noocyadeeda kala duwan.

Image may contain: night, sky, outdoor and nature

Image may contain: one or more people, night, sky and outdoor
Image may contain: one or more people, people standing and outdoor
Image may contain: night and outdoor

 

Ciidanka Dab-demiska ayaa damiyay dabkaas, sidoo kalena ku guuleystay inuu ka xakameeyo inuu ku fido dabkaasi meheradaha kale ee ku yaalla suuqaas.

Dhanka kale waxaa iyadana ciidanku badbaadiyay hanti badan oo dhex taallay suuqa, kuwaasi oo ay lahaayeen dad danyara. Sababta dabkan dhalisay ayaa ilaa hadda la garanayn.

Ma jirin khasaare Nafeed oo ka dhashay dabkaas. Laamaha Amaanka caasimada, Maamulka Degmada iyo shirkadaha korontada ayaa iyaguna hawlgalkaa kala qayb qaatay ciidanka Dab-demiska.

Image may contain: one or more people, people standing and outdoor
Image may contain: one or more people and indoor
Image may contain: one or more people, sky and outdoor
Image may contain: night and outdoor

GABILEY.NET