Nuxurka Wada Hadal Uu Raysal Wasaaraha Itoobiya La Qaatay Dhinacyada Suudaan Iyo Rajada Laga Qabo Heshiis Ay Wada Gaadhaan

Khartoum(GNN):-Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed oo booqasho rasmi ah ku jooga wadanka Suudaan ayaa kulamo kala duwan la yeeshay dhinacyada isku haya awooda dalkaasi.

Raysal wasaaraha Itoobiya oo socdaalkiisu la xidhiidho sidii uu iskugu soo dhawayn lahaa dhinacyada khilaafku u dhaxeeyo ee wadanka Suudaan ayaa kulankii ugu horeeyey la qaatay madaxa ciidamada dalkaasi Gen Abdel Fattah al-Burhan oo gacanta ku haya awooda Suudaan.

Raysal wasaare Dr. Abiy Ahmed ayaa kulamada uu la yeeshay labada dhinac waxa si kala duwan loogu falanqeeyey sidii layskugu soo dhawaan lahaa isla markaana khilaafka jira meesha looga saari lahaa.

Sidoo kale raysal wasaare Abiy Ahmed ayaa si gooni gooni ah waxa uu ula kulmay xubno ka socda xoogaga isbadal doonka iyo xoriyada iyo xisbiyada siyaasada ee dalkaasi, kuwaas oo uu kala xaajooday xaalada haatan jirta.

Raysal wasaare Dr. Abiy Ahmed ayaa sharaxay sida ay Itoobiya uga go’an tahay ilaalinta nabad geeska Afrika, isaga oo xusay in nabad galyada dalka Suudaan lagu soo celin karo in loo midoobo sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska raysal wasaaraha Itoobiya.

Wadanka Suudaan ayey ilaa hada ka taagan yihiin kacdoono siyaasi ah oo xukunka lagaga tuuray Al-Bashiir bishii April ee sanadkan iyada oo ay hada iska soo horjeedaan shacabka isbadalka doonaya iyo ciidamada milatariga oo la wareegay awooda dalka.

Raysal wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed ayaana noqday masuulkii ugu horeeyey ee ka socda wadamada Geeska Afrika ee isku daya inuu xal u raadiyo qalalaasaha ka taagan wadanka Suudaan isaga oo dedaal ugu jira inuu isku soo dhaweeyo dhinacyada isku haya dalkaasi, waxaana la dhawrayaa natiijada ka soo bixi doonta kulamada uu la yeelanayo kooxaha is haya.

Waxa kala laga dhur sugayaa in fikirka iyo hanaanka dhexdhaaxnimo ee uu ku hawlan yahay Raysal wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed  in uu waxka badalo ismarin waaga siyaasadeed ee ka aloosan dalka suudaan.

Raysal wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed ayaa awooda saaraya soo afjarida dhibaatooyinka galaaftay nolasha boqolaal reer suudaana.wuxuna qorsheynayaa in la helo nidaam horseedaya xakameynta Rabshadaha Iyo Qalalaasaha Dhexmaraya Dhinacyada Is Haya,

GABILEY.NET