Wadamada Geeska Afrika Oo Isbadalka Dhaqaalaha Kaga Shiray Addis Ababa

Addis Ababa(GNN):-Wasiirada maaliyada ee wadamada Geeska Afrika ayaa isbadalada ka socda mandaqada kaga tashanaya magaalada Addis Ababa ee wadanka Itoobiya.

Ujeedada kulankan ay yeelanayaan wasiirada maaliyada ee wadanka geeska Afrika ayaa lagu sheegay in la horumariyo isla markaana la wadaago isbadalada dhinaca dhaqaalaha ee ka socda mandaqada.

War ka soo baxay wasaarada maaliyada ee dalka Itoobiya ayaa lagu sheegay in shirkan diirada lagu saaray isku socodka wadamada, isku xidhnaanta, ganacsiga, wax soo saarka beeraha iyo caafimaadka oo la sheegay in la doonayo in wadamadu ay heer wanaagsan ka gaadhaan.

Shirkan ayaa waxa ka qayb galay wasiirada maaliyada wadamada Itoobiya, Jabuuti, Soomaliya iyo Eritrea iyo sidoo kale masuul ka socday wadanka Kenya.

Sidoo kale waxa shirkan ay yeesheen wasiirada maaliyada ee wadamada Geeska Afrika ka soo xaadiray agaasimaha baanka Aduunka, agaasimaha xidhiidhka iyo iskaashiga horumarka ee midawga yurub iyo agaasimaha guud ee baanka horumarinta Afrika.

GABILEY.NET