Dallada SONYO Oo Tobabar U soo Xidhay Ardayda Dugsiga Sare Ee Qalax Gabilay

Gabiley(GNN)-Dallada dhalinyarada heer qaran Somaliland ee sonyo yaa tabobar uqabatay qaar ka mid ardayda wax ka barta dugsiyada sare ee gobolka gebiley, tabobarkani oo muddo afar cisho ah ka socday hoolka dawlada hoose ee gobolka gebilay ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay Axmed Maxamuud Cabdi oo ka tirsanaa Dallada SONYO ahaana macalinka bixinayay tabobarkani mudadii uu socday. Waxaana uu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “waxa halkan inoogu soo gabogabaysmaya tabobar loo qabanayay ardayda dugsiga sare ee Qalax Sedcondary school kaasi oo socday mudo afar cisho ah waxaana u jeedidiisu ay ahayd hanaanka iyo habka ay dhalinyaraddu uga qeyb qaataan arimaha iyo hawlaha bulshada sida, arrimaha wacyigelinta, iyo sida oo kale sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen dhamaan hawlaha ka dhex socda bulshada tabobarkani waxa lagu gudo jiray mudo afar cisho ah iyo maalin shanaad oo ay ardaydu ku dhex qabanayaan dugsigooda wacyigalin ay dhigooda ardeyda ah ee aanay u suurto galin ka qeybgalka tababarkani uga faaiidaynayeen”. Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay maamulaha dugsiga Qalax Secondary School Cabdiladiif Xuseen Xassan waxaana uu ugu horeyn mahad celin uu u jeediyay Dallada SONYO iyo Hay’adda SOS oo hawshan dugsiga lagu qabtay iska kaashaday waxaana uu ka warbixiyay faa’iidooyinka balaadhan ee uu tabobarkani u leeyahay iyo sida ay ardaydu uga faa’iidaysan karto qaybihiisa kala duwan sida,in ay ka bartaaan nidaamka doorashada gudiga ardayda ee dugsiga, xeer dejinta, samaynta qaybaha kala duwan ee gudiyada, sida oo kale waxa uu maamuluhu ardayda ku dhiiri geliyay in ay noqdaan kuwa ka midho dhaliya waxa ka faa’iideen tabobarkan sida oo kalena ay noqdaan gaadhsiiya dugsiya iyo ardayda ay matalayaan. Waxa iyana halkaasi ka hadshay macalimad Amran Maxamuud Cabdi oo ka mid ah macalimiinta dugsiga sare ee Qalax waxa ayna sheegtay sida ay dugsi ahaan mar walba diyaarka ugu yihiin in ay soo dhaweeyaan dallada SONYO iyo hay adda SOS, sida oo kalena ay aad ugu faraxsanyihiin ka macalimiin ahaan tabobarkan loo qabanayo ardayda isla markaana ay dareensan yihiin faa’iidada togan ee ay ardaydu ka dhaxli doonaan marka ay dhamaystirtaan. Waxa iyaguna sidoo kale gabogabadii ka dareen celiyay qaar ka mid ah ardaydii qaadanasay tabobarka ee mudadaasi dhamaystiratay, waxa ayna ka warbixiyeen qeybaha kala duwan ee uuu iskugu jiray tabobarkani iyo sida ay arday ahaan markii hore ugu baahnaayeen,waxa ayna sheegeen oo ay ka warbixiyeen ina ay ka mid ahaayeen, hogaaminta, xalinta khilaafaadka, doorka ay ay dhalinyar ahaan ku yeelan karaan bulshada, iyo sidoo kale sidii ay dhinacooda wax uga qaban lahaayeen hawlaha ka socda bulshada dhexdeeda

GABILEY.NET