Dareennada Ka Dhashay Maxaabiis Laga dhoofiyo iyo kuwo Ka soo degay Garoonka diyaaradaha Hargeysa
Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa, waxa maanta ka duullay 14 Maxbuus oo u dhashay maamul-goboleedka Puntland, kuwaas oo lagu soo qabtay dagaaladii TUKARAQ. Sidoo kale, Waxa garoonka ka soo dagay 3 Maxbuus oo ka yimi dhinaca maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.
Hay’adda ICRC ayaa qaabilsanayn kala wareejinta maxaabiista. Balse waxa dareen ka dhashay Qaabka Loo kala anba-bixiyey Maxaabiista laba dhinac iyo Hab-maamuska Sooryadoodu la sii raaciyey oo kala shishleyd.