Maayerka Magaalada Gabiley waxa uu Ciidal Fidriga Awgeed Dhambaal Hambalyo ah u dirayaa Shacbiga Somaliland iyo Guud ahaan Muslimiinta meel ay joogaanba

Gabiley(GNN)maayerka magaalada gabiley mudane maxamed amiin cumer cabdi waxa uu Ciidal Fidriga Awgeed Dhammaal Hambalyo ah u dirayaa Shacbiga Somaliland iyo Guud ahaan Muslimiinta meel ay joogaanba,

Maayerka Magaalada Gabiley Isagoo Ku Hadlaya Afkiisa Iyo Afka Shaqaalaha Dawlada Hoose Ee Degmada Gabiley Wuxu Umadda Islaamka Udiray Hambalyada Ciida

waxaanu maayerku  yidhi “Milgo  sharaf ixtiraam iyo Maamuus weyn ayey ii tahay in aan munaasibadda Ciidul Fidiriga Owgeed halkan uga jeediyo hambalyo iyo bogaadin dhammaan Shacbi-weynaha Somaliland meel kasta oo ay joogaanba gaar ahaana shacabka gobolka gabiley waxan ku tahniyadaynayaa ciidul fidriga awgeed.

Si gaar ah, waxaan tahniyad ugu dirayaa Ciidammada kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland, Goleyaasha Qaranka, Culimo-aw-Diinka, Madax-dhaqameedka, Madaxda Xisbiyada Qaranka, Bahda Waxbarashada, Bahda Garsoorka, Ururada Bulshada, Dhalinyarada iyo Haweenka laf-dhabarka u ah nabadda iyo nolosha dalkan iyo madaxwaynaha somaliland.

Waxaan leeyahay Mudanayaal iyo Marwooyin, ku ciida ciid wanaagsan, nabad iyo caano ku ciida ( Kullu-caam wa antum bikhayr ), ciiddan ciiddeeda kale ILAAHAY ha inagu gaadhsiiyo bed-qab, bash-bash Badhaadhe iyo barwaaqo.

Maalintani waa maalin qiimo weyn ku leh ummadaha Iyo Dunida islaamka meel kasta oo ay joogaanba.waa maalin farxadeed oo dadka islaamka qiimoweyn uleh

Sidaa darteed, waxa habboon inaynu ummad ahaan la wadaagno farxadda iyo rayn-raynta ciidda barakaysan ee Eebbe inoo soo dajiyay.

Haddaba, si aynu u helno deeq Darajo iyo danbi-dhaaf Alle, waxa inagu waajib ah in aynu ilaalinno midnimada  nabada xasiloonida iyo wada jirkeena aynu ku caano maaleyno hadii  Aynu nahay shacabka reer somaliland.

Waxa inagu waajib ah Oo  Ilaahayna Ina Farayaa , inaynu dhammaanteen isu-uursamaanno, isna saamaxno Iskuna Uurfayoobaano  Si Illaahayna Danbiyadeena Iyo Ka Waalidkeena Udhaafo.

Waxaan ILAAHAY ka baryayaa inuu inaga aqbalo acmaashii suubanayd ee aynu samaynay maalmahan khayrka badan Ee Bisha Rabadaan”.

Waxanan u ducaynayaa inta bukhta ee xaalad caafimaad u jiifta, awoodina wayday inay inala ciidaan maalintan qiimaha badan, waxanan Alle uga baryayaa inuu caafimaad sareecana siiyo kana dulqaado xanuunka Inta Caafimaadka Qabtana Alle Usoyaadiyo, Aamiin Aamiinintii, Intii dhimatayna waxan Alle uga baryayaa inuu u dambi dhaafo una naxariisto.Janooyinkiisana ku casuumo

ugu danbeyntii shacabka reer somaliland ee samaanta iyo walalnimada ku wada nool waxan urajaynayaa in sanadkaa sanadkiisa uu illaahay inagu gaadhsiiyo bash bash barwaaqo iyo caafimaad qab.

 

Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin