Dawladda Jabuuti Oo Baddeeda Ka Mamnuucday Maraakiibta Iiraan.

Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa sheegtay in ay dekedaheeda iyo baddeeda mamnuuc ka yihiin maraakiibta dawladda Iiraan. Danjiraha Jabuuti u fadhiya Sucuudiga ayaa sheegay in aanay aaggooda ka hawl gali Karin guud ahaan maraakiibta Iiraan.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in aanu jirin wax xidhiidh ah ama iskaashi ah oo ka dhexeeya Jabuuti iyo Iiraan tan iyo markii ay xidhiidhka u jartay.

Waxa uu sheegay in ay Jabuuti ka go’an tahay mabda’a ah in aanay Iiraan faro gelin ku yeelan dalalka Carabta, islamarkaana ay taabacsan yihiin isku duubnida xulufada Sucuudiga kadib markii ay isbahaysiga taabaceen sanadkii 2016.

Source: Saudi Gazette