Raysal Wasaare Abiye Oo Khadka Taleefoonka kula Hadlay Hogaamiyaha Milatariga Suudaan.

Raysal wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed ayaa khdka telefanka kula hadlay madaxa ciidamada dalka Suudaan Gen Abdel Fattah al-Burhan kaas oo gacanta ku haya awooda dalkaasi.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska raysal wasaaraha Itoobiya, labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii looga gudbi lahaa xaalada haatan ka taagan dalka Suudaan iyaga oo falanqeeyey hababka loo mari karo in deganaan lagu talaabsado.

Warka ayaa intaas ku daray in labada dhinac ay isla soo qaadeen rajada ay ka qabaan in xaalada hada taagan lagaga gudbo hab nabdoon oo aan wax khal khal ah galin dalka Suudaan.

Raysal wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed ayaa hore wada hadal ula yeeshay hogaamiyaha ciidamada Suudaan ee gacanta ku haya awooda dalkaasi iyo xoogaga xoriyada iyo isbadal doonka ee dalka Suudaan, kuwaas oo uu jimcihii kala hadlay deganaanshaha dalkaasi.

Raysal wasaaraha Itoobiya ayaa intii uu ku guda jiray wada hadalkii uu la yeeshay dhinacyada suudaan waxa uu hoosta ka xariiqay nabada dalka Suudaan iyo sidii isku duubni loogu soo celin lahaa.

Dhinaca kale waxaa maalintii labaad galay shaqa joojinta ay wadaan shacabka dalkaasi ee isku dayaya inay ciidamada ku qasbaan in xukunka ay ku wareejiyaan dowlad rayid ah.

Axaddii shalay ahaydna ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay shaqa joojinta dalkaasi ka billaabatay.

Inta badan dadka Suudaan ayaa dhaqangeliyay baaqa uga yimid ururrada mucaaradka oo ah inay sameeyaan amar diiddo shacab.

Waxaa maalintii labaad xiran xarumaha ganacsiga iyo xafiisyada caasimadda Khartuum. Gaadiidka dadweynaha ayaa si gaabis ah u shaqeynaya, waxaana dadka badankood ay adeegsanayaan gawaarida gaarka loo leeyahay.

Dhakhaatiirta ayaa daweynaya dadka u baahan gargaarka degdega oo keliya.

Xaalad noocaasi oo kale ah ayaa laga soo sheegayaa magaalooyinka Umdurman, Al-Cubeid iyo Port Sudan.

Waxaa adag in la helo xog sax ah, maadaama internet-ka la jaray todobaad ka hor markii ay ciidammada xoog ku kala eryeen dibedbaxayaasha, hawlgalkaasi oo ay ku dhinteen dad ka badan 100 qof.

Ururrada mucaaradka ayaa sheegay in shaqa joojinta ay socon doonto ilaa iyo inta ay saraakiisha milateriga xukunka ka wareejinayaan. Balse milateriga ayaa sheegay inuu ciidammo dheeraad ah hawgelin doono si loo sugo ammaanka iyo kala dambeynta dalka.

GABILEY.NET