Dood Ka Taagan Hub Laga Iibinayo Sacuudiga Iyo Imaaraadka + [ Sababta ]

Senatorada Mareykanka ee Jamhuuriga iyo Dimoqraadiga ayaa sheegay inay soo saari doonaan sharci hor-istaagaya qorshaha madaxweyne Trump uu Sacuudiga iyo Imaaraadka uga iibinayo hub lagu qiimeeyey 8 bilyan oo dollar.

Xubnaha taageeraya sharcigan ayaa sheegay in uu ka koobnaan 22 qaraar oo mid walba loogu talo-galay 22 heshiis oo hub ah, oo maamulka Trump uu ansixiyey.

Waxay sheegeen in looga gol leeyahay in lagu xaqiijiyo in la ilaaliyo kaalinta congress-ka ee ansixinta hubka laga iibinayo dowladaha shisheeye.

Warka kasoo baxay Senatorada ayaa ka dambeeyey kadib markii ay bishii tagtay aad uga carroodeen go’aanka Aqalka Cad ee ah in halista ka imanaysa Iran darteed, ay arrintan tahay xaalad deg deg ah, sidaas darteedna aan loo baahneyn ansixinta congress-ka.

Sharcigan ayaa waxaa hoggaaminaya Senator Bob Menendez oo dimoqraadi ah iyo Senator Lindsey Graham oo ah Jamhuuri aad ugu dhow madaxweyne Trump, oo marar badan Sacuudiga ku eedeeyey xadgudubyo ka dhan xuquuqda aadanaha.

GABILEY.NET