Midowga Afrika oo ka Qaybgalka Shirarkooda ka Joojiyey Suudaan

Addis-ababa(GNN)- Golaha Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa shaaciyey inay dalka Suudaan

ka joojiyeen ka qaybgalka dhammaan shirarka Midowga Afrika, ilaa inta ay maamul ku-meel-gaadh ah oo rayid lagu wareejinayo talada dalkaas.

Midowga Afrika waxay caddeeyeen in tallaabadan ay u qaadaan si dalka Suudaan looga saaro qulqulatooyinka Siyaasadeed iyo amni darro ee jira dalkaas.

Go’aanka midowga Afrika wuxuu ku soo beegmay, kadib markii Golaha ku-meelgaadhka ah ee Millatariga Suudaan ay xoog u adeegsadeen mudaharaadeyaasha dalbanaya in xukunka lagu wareejiyo shicibka.

Xaaladda dalka Suudaan ayaa sii murugtay markii ay soo baxeen warar sheegaya in 100 qof lagu dilay magaalada Khartuum Isniintii toddobaadkan, iyadoo la sheegay in meydka afartan qof laga soo saaray webiga Niil oo la aaminsan yahay inay ku tuureen maleeshiyo gacan saar la leh millatariga xukunka ka qabsaday Madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir
GABILEY.NET