Ilmo Tareen Ku Dhex Dhashay Oo Abaalmarin Helay

Gabadh ku dhex dhalatay tareen laga leeyahay dalka Ireland ayaa lagu abaalmariyey 25 sano oo ay si bilaash ah ugu safrayso tareenada.

Tareenkaas ayaa Talaadadii u kala gooshayey Galway iyo Dublin.

Dhaktar iyo kalkaaliso had iyi jeer dul saaran tareenka, ayaa gacan ka gaystay in ilmahaas ay hooyadii ka umuliyaan.

Ilmaha yar iyo hooyadii oo caafimaadkoodu fiicnaa ayaa cisbitaal loo qaaday markii tareenku uu gaaray magaalada Dublin.

Sharikadda tareenada Ireland ee Iarnród Éireann ayaa sheegtay in ilmahaas yar ay siin doonto socdaal bilaaasha ah “laga bilaabo dhallaanimadeeda ilaa ay ka gaarayso 25 sano waxay heli doontaa socdaal bilaash ah, duruufaha ay ku dhalatay awgeed”.

Mid ka mid ah shaqaalaha tareenka ayaa sheegtay in dareen galay kaddib markii ay maqashay haweeneey suuliga ka dhex qaylinaysa.

Emma Tote ayaa sheegtay in ay xoog ku furtay albaabka suuliga ayna ku dhex aragtay haweeneey da’yar oo halkaas ku foolanaysa.

Ms Tote ayaa arrintaas ku wargalisay wadihii tareenka waxayna shaqaalihii tareenka ee caafimaadka qaabilsanaa ka codsatay in haweenaydaas gacan la siiyo.

Inta badan carruurta ku dhalata diyaaradaha dushooda ayaa hela abaalmarin tan la mid ah, kuwaas qaar kood hela socdaal bilaash ah inta ay nool yihiin.

GABILEY.NET