“ Mareykanku Wuxuu Halis Ku Yahay Dunida…” Xassan Rooxaani

Madaxweynaha Iran, Hassan Rouhani ayaa maanta sheegay in Mareykanka uu halis dhab ah ku yahay xasiloonida gobolka iyo tan caalamka, xilli ay xiisad ka taagan tahay Khaliijka.

“Dowladda Mareykanka, waxay labadii sano ee tagtay ku xadgudbeysay nidaamyada iyo xeerarka caalamiga ah, waxayna ayadoo adeegsaneysa kheyraadkeeda dhaqaale, maaliyadeed iyo militari qaadatay waddo gardarro ah, waxyana halis ku tahay nabadda gobolka iyo tan caalamka” ayuu yiri Rouhani.

Rouhani ayaa ka hadlayey kulan ay magaalada Bishkek ee dalka Kyrgyzstan ku leeyiiin madaxda Ururka Iskaashiga Shanghai, oo ah isbahyasi amni oo ay ku mideysan yihiin dalalka Yurub iyo Asia qaarkood, sida Russia, China iyo India.

Rouhani ayaa Mareykanka ku dhaliilay ka bixitaanka heshiiskii Nukliyerka Iran ee la gaaray 2015, isaga oo sheegay in Washington ay dalalka kale ee caalamka ku cadaadineyso inay jebiyaan qaraarka Golaha Ammaanka QM ee soo celinta xiriirka ganacsi ee lala leeyahaya Tehran.

Rouhani kama hadlin xalaadda Khaliijka, ayada oo Mareykanka uu Iran ku eedeeyey inay ka dmabeysay weerar lagu qaaday laba Markab oo saliidda qaada.

Iran ayaa jimcaha ku gacan seertay eedeymahada Mareykanka kuna sheegtay “kuwa aan sal lahayn.”

GABILEY.NET