Khadkii Internetka Itoobiya Oo Go’an

Laanta Afka Amxaariga ee BBC ayaa helaysa warbixinno sheegaya

in dadka Itoobiyo ay awoodi la’yihiin in ay isticmaalaan baraha bulshada.

Kooxda internetka la socota ee Netblocks ayaa xaqiijisay in gabi ahaanba uu khadkii ka maqan yahay Itoobiya wixii ka dambeeyay 10:30 xilliga dalka Itoobiya (07:30 GMT).

Khadka maqan ayaa ku soo aadaya iyadoo lagu jiro imtixaanaadka shahaadiga ee dugsiga sare.

Labo sano ka hora yay ahayd markii la jaray khadka internetka iyadoo laga hortagayo in imtixaannada lagu kala qisho.

 

BBC