Diyaarad ku Dhacday Dhisme Dabaq ah Oo ku Yaala Brtamaha New York.

Hal qof ayaa ku geeriyooday diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ku dhacday dhisme dabaq ah oo ku yaal bartamaha magaalada New York ee dalka Maraykanka.

Qofka geeriyooday ayaa la sheegay inuu ahaa duuliyihii waday diyaaradda ,iyadoo diyaaradan aan la ogeyn sababta ay ugu dul dhacday dhismahan.

Shaqaalaha gurmadka deg deg ah ayaa gaaray goobta uu shilkan ka dhacay oo ah waddada 787 Severnth Ave.Ma jirto cid kale oo wax ku noqotay burburka diyaarada iyadoo aan la ogeyn halka laga lahaa diyaarad helikabtarka ah oo nooceeda lagu sheegay Agusta A109E.

Illaa iyo hadda lama oga sababta keentay in diyaaradan ay ugu dul dhacdo dhismahan oo aan lahayn meel ay diyaarad ku degi karto. Balse warar ayaa sheegaya in duuliyaha diyaarada burburtay uu sheegay inay mushkilad haysato.Qiiq madow ayaa laga arki karay saqafka sare ee dhismahan 51dabaq ah iyadoo Boolisku amreen in dadka ku jira ay ka baxaan.

Guddoomiyaha New York,Andrew Cuomo oo gaaray dhismaha ay diyaaradan ku dul dhacday ayaa sheegay in aan la ogeyn tirada dadka saarnaa diyaarada, waxana uu sheegay in xaaladdu deggan tahay shilkana uu ahaa mid caadi ah oo uusan la xiriirin falalka argagaxisada.

GABILEY.NET