Kim Jong-Un Oo Khaarajiyay Ergaygii U Qaabilsanaa Wadda Xaajoodka Maraykanka.

Warbaahinta caalamka ayaa ku waramaysa in kim jong un, hogaamiyaha kuuriyada waqooyi uu qoorta ka jaray Ergeygii u qabilsanaa wada hadalada dalka maraykanka.

kim york jol oo kasoo Shaqeeyay Wadda Hadaladii dhex maray Labada  dawladood ee maraykanka iyo kuuriyada waqooyi, ayaa lagu eedeeyay in uu khiyaameeyay hogaamiyaha wadanka kim john un, sidaa darteedna uu ku fashilmay in uu guul kasoo hooyo Wadda Xaajoodkii ay kuuriyada waqooyi la gashay dalka Maraykenka.

Warbixinaha qaar ayaa tilmaamaya in jol, la khaarajiyay bishii march, laguna dilay garoonka diyaaradaha ee mirim, ee magaalada caasimadda ah ee pyonyang.

kim york jol, ayaa hogaamiyaha kuuriyada waqooyi ku wehelinayay kulankii ugu danbeeyay ee uu la yeeshay madaxweynaha dalka Maraykenka Donald trump, kaas oo ka dhacay magaalada hanoi ee dalka vietnam, kulankaas ayaa kusoo dhamaaday natiijo la’aan. iyadoo Kuuriyada waqooyi ay ku Canaanatay Ergeygeeda gaarka ahaa.

Diblomaasigan ayaa lala dilay afar qof oo kale oo ka shaqaynayay Wasaaradda Arimaha Dibadda ee dalkan ku yaala bariga fog ee Qaaradda Asia, sida uu ku waramay wargayska chosun ilbo, ee kasoo baxa Waddanka ay jaarka yihiin ee koonfurta kuuriya.

Wali lama Xaqiijin karo jiritaanka warkan, oo ugu horeyn ay baahisay warbaahinta koonfurta kuuriya.

Warbaahinta koonfurta kuuriya ayaa aalaaba xogo xasaasiya ka sheegta waqooyiga, kuwaas oo marar badan beenooba marka danbe.

inkasta oo aan wali la xaqiijin, hadana kuuriyada waqooyi waxay caan ku tahay in ay layso madaxda, saraakiisha ciidamadda, iyo dadka kale ee ay tuhunto.