Nin Dili Rabay Madaxweynaha Kenya Oo La Qabtay

Booliska Dalka Kenya ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Nin Qorsheynayay dilka Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Ninka la qabtay maanta oo sabti ah ayaa isku dayay in uu shalay galo Garoonka Narok, halkaas oo maanta lagu qabanayo xuska maalinta Madaraka Day.

Saraakiisha Milatariga ayaa sheegay in Adan Galhai oo 22 jir ah ay shalay qabteen Milatariga Kenya hayeeshee uu ka baxsaday.

Ninkan ma sheegin qorshahiisa hayeeshee Booliska ayaa sheegaya in uu damacsanaa dilka Madaxweynaha Kenya oo maanta khudbad ka jeedin doona Garoonka.

Saraakiisha Booliska Kenya ayaa sheegay in Aadan uu sanadkii 2014kii ku biiray Islaamka sidoo kalena galay Xarakada AL-shabaab,waxaana uu ku noolaa xaafadda Islii ee Nairobi.

Waxaa sidoo kale la socday Nin kale oo ay Ciidamada amaanka sheegeen in ay qabteen, qabashada Aadan ayaa ka dhalatay markii laga shakiyay lana baaray aqoonsiyada uu watay.