Suudaan Oo Xidhay Xaruntii Warbaahinta Al-Jazeera Ee Magaalada Khartuum + [ Sababta ]

Dowlada Suudaan ayaa ruqsaddii shaqada kala laabatay shaqaalihii u shaqaynayay warbaahinta Al Jazeera ee laga leeyahay dalka Qadar, waxayna albaabada u laabtay xafiiskii ay Khartuum ku lahayd, sida ay warbaahintaasi sheegtay.

Ma jirto wax sabab ah oo naloo sheegay ayay intaas ku sii dartay Al Jazeera.

Al Jaziira ayaa si joogto ah u baahin jirtay muuqaallada dibad baxayaasha Suudaan.

Xidhitaankan ayaa yimid ka dib markii madaxa golaha millatariga Cabdelfatax al-Burhan uu u safray Sacuudiga Khamiistii, isaga oo ka qaybgalaya shir halkaas ka dhacaya.

Sannadkii 2017 Masar, Imaaraadka iyo Sacuudiga ayaa calaaqaadkii dublamaasi u jaray Qadar, iyaga oo ku eedeeyay argagixisanimo, arrintaas oo Qadar beenisay.

Maamulka cusub ee dalka Sudan ayaa dhiirigelin ka helay boqortooyada Sacudi Carabiya iyadoo malaayiin lacago ah ay ugu deeqday Boqortooyada Sacudi Carabiya maamulka millatariga ee dalka Sudan.

GABILEY,NET