Maraykana: Israil Xaq bay U Leedahay In Loo Aqoonsado Dhulka Ay Xooga Ku Haysato

Safiirka Mareykanka u jooga Israel, ayaa sheegay in Israel ay ku saxan tahay in loo aqoonsado daanta galbeed deegaanada ku yaal oo ay xooga kaga heestaan Falastiin.

Hadalkaan ayaa yimid kadib markii shacabka reer Falastiin ay ka hor yimaadaan qorshaha nabadeed oo ay wado dowlada Mareykanka.
Safiirka Mareykanka ee Israel  David Friedman, ayaa xaqiijiyey in Mareykanka uu taageeri doono dadaalada qorshahaan. Wareysi uu siiyay Majalada New York Times ayuuna sidaa ku sheegay.

Maamulka Trump ayaa lagu eedeeyay in uu u janjeero xukuumada Tell Aviv oo uu doonayo in uu ku wareejiyo daanta Galbeed.

Saeb Erekat oo ka mid ah saraakiisha sare ee dowlada Falastiin ayaa sheegay in ay cadeyneyso qorshaha gumeysi oo cusub.

Hanan Al-Sharaawi oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa xoreynta Falastiin ayaa dhankiisa sheegay in Israel dhul ay xaday lagu abaal Mariyo ay cadaalad darro tahay.

GABILEY.NET