Maxaa Keenay Kuleylka Xad Dhaafka Ah Ee Ka Jira Yurub?

Qaaradda Yurub ayaa waxaa hadda ka jira kuleyl aad u daran oo lagu soo warramayo inay u dhinteen dhowr qof, kuwo badana loo dhigay cisbitaallada.

Magaalooyinka qaar ayaa heer kulka waxa uu gaaray ilaa 45 digrii, waxaana dadweynaha loogu baaqay inay guryahooda ku nagaadaan, iyadoo la fasaxay iskuullada.

Dalka UK ayaa Sabtidii diiwaangeliyay maalintii ugu kululeyd ee sanadkan, iyada oo heer kulka degmada Northolt iyo garoonka diyaaradaha ee Heathrow ee waqooyiga London uu gaaray 34C.

Khubarada saadaasha hawada ayaa sheegaya in hawo kulul oo ka timid waqooyiga Afrika iyo cadaadiska sare ee hawada bartamaha Yurub ay keeneen kuleylkan xad dhaafka ah.

Haseyeeshee waxa ay rajeynayaan in maalmaha soo socda uu hoos u dhici doono.

Mubaaraka Faarax Cali oo ah Soomaali degan magaalada Paris ayaa laanta af-Soomaaliga ee BBC u sheegay in markii ugu dambeysay uu heer kulka intan gaaray sanadkii 2015.

GABILEY.NET