Sudan Oo Laga Cabsi Qabo In Dhiig Badani Uu Ku Daato + [ Sababta ]

Kooxda ugu wayn mucaaradka dalka Sudan ayaa sheegaysa in ciidamada ammaanku ay u dheceen xafiis ay leeyihiin ayna joojiyeen shir jaraa’id oo ay kaga hadlayeen dibadbaxyada looga soo horjeedo xukunka militariga ee maanta dhacaya.

Dibadbaxan oo loo bixiyey “socodka halka milyan ee qof” ayaa mucaaradku waxa ay uga soo horjeedaan diidmada militarigu uu diiday in uu xukunka wareejiyo wixii ka dambeeyey markii xilka laga tuuray Cumar al-Bashir.

Ururka Xirfadleyaasha Sudan (SPA) ayaa qoraal ay twitter-ka soo dhigeen ku sheegay in ay “canbaaraynayaan hab dhaqankan cabburinta ah”.

Waxayna ku adkaysteen in ay sii wadayaan dibadbaxyada la qorsheeyey in ay dhacaan maanta oo Axad ah.

Ururka Xirfadleyaasha ayaa soo qabanqaabiyey shir saxaafadeed dhici lahaa fiidnimadii Sabtidii si ay u soo bandhigaan qorshaha isu soo baxyada lagu wado in ay dalkaas ka dhacaan, dibadbaxyadan oo noqonaya kuwii ugu horreeyey tan iyo markii tobonaan dibadbaxayaal ah la laayey kaddib markii militarigu ay rasaas ku fureen 3-dii June.

Hoggaamiyaha dibadbaxyada Ahmed al-Rabie ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ciidmada sida militariga u tababaran ee (RSF) magacooda loo soo gaabiyo ay joojiyeen shir saxaafadeedkii ay qaban lahaayeen.

“Intii aanan bilaabin shirka jaraa’id, saddex gaari oo ka socda ciidamada RSF, oo ay saaran yihiin rag aad u hubaysan, ayaa yimid dhismihii aan ku sugnayn waxayna noo sheegeen in aanan qaban karin wax shir saxaafadeed ah,” ayuu yidhi

Qofka kasta oo goobtaas ku sugnaa ayaa amar lagu siiyey in uu halkaas ka tago, ayuu yidhi Mr al-Rabie

Waxa uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in weerarkan uu ahaa ” waxyeello ka dhan ah xuriyatul qawlka oo xataa ka daran maamulkii madaxweynihii hore”. Omar al-Bashir ayaa xilka laga tuuray bishii April.

Militariga ayaa ka digay in wixii qalalaaso ah oo dalkaas ka dhaca ay mas’uul ka yihiin mucaaradku.

Gen Mohamed Hamdan Dagalo, oo loo yaqaan Hemeti, ayaa sheegay in “dad wax burburinaya” iyo “kuwo dano gaar ah leh” ay ka faa’idaysayaan dibadbaxyadaan.

Wadahadalkii u dhexeeyey Golaha miitariga kumeel gaarka ah ee Sudan iyo dhaqdhaqaaqa mucaaradka ayaa burburay 3-dii bishan June, lamana sii amba qaadin dhexdhexaadintii ay wadeen Midowga Afrika (AU) iyo Ray’iisal Wasaaraha Itoobiy, Abiy Ahmed.

GABILEY.NET