Militariga Suudaan Oo Ku Dhawaaqay In Dalka Ay Ka Qaban Doonaan Doorasho

Hoggaamiyeyaasha militariga Suudaan waxay sheegeen inay meesha ka saareen dhammaan heshiisyadii ay la galeen isbaheysiga mucaaradka ugu weyn ee dalkaas.

Militariga waxay ka dhawaajiyeen in dalka ay ka qaban doonaan doorasho muddo 9 bilood gudahood.

Hadalka militariga ayaa imaanaya xilli ay wajahayaan cambaareyn caalami ah kadddib markii la laayay ugu yaraan 30 qof oo ka qeyb qaadanayay dibadbaxyo gudaha magaalada Khartuum.

Mareykanka waxaa ku tilmaamay weerarka mid ‘gurucan oo loo geystay shacab’

Midowga Afrika waxaa uu dhaleeceyay rabshadihii ugu dambeeyay ee ka dhacay isla markaasna waxaa uu ugu baaqay dalalka gobolka in aysan fargelin xaaladda.

Dad badan oo ku sugan Suudaan waxay ka careysan yihiin tallaabada dalalka Sucuudiga, Imraatka Carabta iyo Masar ay taageerada ugu fidiyeen golaha sare ee militariga dalkaas.

Howlgalka ka dhanka shacabka ayaa imaanaya golaha militariga iyo dadka horkacayay dibadbaxyada ay wada gaareen heshiis ku saabsan qaabkii xukunka loogu wareejin lahaa dowlad rayid ah.

Madaxa golaha sare ee militariga Suudaan, Janaraal Cabddel Fataax Al Burhaan ayaa waxaa uu telefishinka dalkaas ka sheegay inay joojiyeen wadahadalladii ay la yeelanyeen mucaaradka islamarkaasna meesha laga saaray qodobadii lagu heshiiyay.

Waxaa uu intaasi ku daray in doorashada ay qaban doonaan 9 bilood gudahood ay kormeeri doonaan dalalka gobolka iyo beesha caalamka.