Asc Ilaahaybaa Mahadleh, Markaxiga Waxaanu Salaamaynaa Bahda Warbaahinta,Anagoo Ah Aqoonyahanka, Dhalinyarada, Iyo Dhamaan Jaaliyadaha Kaladuwan Ee Qurbaha Ee Beesha Habar Jeclo Waxaanu Hambalyo Iyo Bogaadin Udiraynaa Salaadiinta Beesha Ee Uu Uguhoreeyo Suldaalka Guud Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali Muuse, Suldaan Maxamuud Guuleed Mire, Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen, Suldaan Yuusuf Cabdi Cawed, Suldaan Siciid Ducaale, Suldaan Cabdiraxmaan Qodax, Boqor Maxamuud Cali Carab, Oo Ilaahay Taladii Waafajiyey Go,Aana Kugaadhey Inay Qabtaan Shirka Walaaleeye Ee Beelaha Habar Jeclo Iyo Garxajis, Iskana Diidey Kooxdii Danaystayaasha Ahaa Ee Xukuumaddu Usoodirtay Si Ay Uguqanciyaan Inaanay Shirkaa Qabanin,
Hambalyo Ayaanu Leenahay Salaadiinta Waxaanu Leenahay Shirkaa Qabta Dadkana Walaaleeya Oo Wixii Hore Idiinseegay Yaanay Idinseegin, Shirkaasi Waa Mustaqbalkii Gobolada Bariga Iyo Somaliland Ba Yaan Laga Gaabin Qabashadiisa Iyo Kamidho Dhalintiisa, Kooxda Wasiirada Ahna Waxaanu Leenahay Kuraastiina Ku Ekaada Arinta Dhaqanka Ee Beeshana Faraha Kalabaxa, Waalasoo Dhaafay Dhawr Iyo Sagaashankii Umadda Dhiigeeda Ay Dhawka Nin Kammacaashijireene, Ku’ Ekaada Meelaha Aad Shaqaalaha Katihiin. Weliba Waxaanu Udigaynaa Ina Kaahin Iyo Ina Gaafaadhi. Hadaa Shirkaa Faragelisaan Balan Waxaa Ah In Shiid Iyo Dhagax Laydinkkaga Saaro Burco Iyo Ceeri Gaabo Labadaba. Oo Aydaan Hargeysa Soodhaafin.
Wabilaahi Tatfiif. Guul Somaliland.
sulaymaane252@hotmail.com