Deg Deg Daawo Qarax Muqdisho Ka Dhacay Iyo Masuuliyiin Sare Oo Ku Dhaawacmay

Qarax ka dhacay xaruunta dowladda hoose ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inuu ka dhashay qasaaro.

Waxa Lagu soo Waramaya In magaalada Muqdisho qaraxaasi uu dhacay daqiiqada ka hor xaruunta dowladda hoose ee magaalada Muqdisho.

Qof ku sugnaa gudaha hoolka uu shirka ka socday oo Warbaahinta  u warramay ayaa sheegay inuu maqlay jug culus oo gudaha hoolka ka dhacday, dabadeedna uu arkay dad fara badan oo dhaawa ah oo goobtaasi laga qaadayo sida oo kalana ay jiraan dad dhintay.

Waxaana hoolka uu qaraxa ka dhacay ka socday shir ay lahaayeen maamulka gobolka Banaadir hoolka shirka oo uu ku sugnaa duqa magaalada Muqdisho Injineer C/raxmaan Yariisoow.

Shirkaasi oo ahaa shir toddobaadla ah oo ay sida caadiga isugu yimaaddaan maamulka gobolka banaadir oo ay ka soo qayb galeen agaasimayaasha maamulka iyo guddoomiyayaasha degmooyinka shirka oo socdayna uu dhacay qaraxaasi.

Ilaa kala duwan oo ay Wwrbaahintu La hadashay waxay xaqiijiyeen inuu qaraxaasi uu ka dhacay gudaha hoolka uu shirka ka socday balse ilaa iyo hadda ma cadda qasaaraha inta uu le’eg yahay iyo dadka halkaasi wax ku noqday.

Dadki ku dhaawacmay qaraxaasina waxaa la geeyey isbitaalka Digfer oo hadda loo yaqaanno Erdogan.

Xaruunta gobolka Banaadir oo ah xaruun ammaankeeda si weyn loo adkeeyo ayaan weli la garan qasaaraha rasmiga ee qaraxaasi ka dhashay

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

GABILEY.NET

 

Exit mobile version