Faahfaahin-Qaraxa Muqdisho Khasaaraha Dhaawac Culus Oo Soogaadhay Eng Yariisow iyo Dhimashada Gudoomiyeyaal Degmooyin.

Muqdisho(GNN):-Qarax Xoogan Oo ka Dhacay gudaha Xarun dawladeed oo ku taala gobolka banaadir ayaa Wararka faahfaahinta ah ee kasoo baxaya ay sheegayaan inay jiraan Khasaare aad u tiro badan oo uu sababay Qaraxaasi.

Ilo Xog-ogaal ah oo aanu la xidhiidhnay ayaa xaqiijiyey in Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Yariisow la sheegaya in dhaawaca gaadhay uu yahay mid culus, islamarkaana la geeyey isbitaalka Digfeer ee magaalada.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya inay dhinteen qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, oo ay ka mid yihiin kuwii Cabdicasiis, Waaberi iyo Warta-Nabadda.

Qaraxa ayaa dhacay xilli uu shir u socday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo qaar ka mid Guddoomiyeyaasha degmooyinka, kaasi oo lagu magacabao shirka Tubaha Qaranka.

Waxaana ilaa hadda aaan caddeyn inta uu leegyahay Khasaaraha Ka dhashay masiibada qaraxaasi.

          La Soco Faahfaahinta wixii warar ah ee kasoo kordha.

Gabiley News Network
Muqdisho Somalia Office
Contactgabileynews@gmail.com
 

Exit mobile version