Afhayeenka Al-Shabaab Oo la Sheegay In Lagu Dhaawacay Weerar ka Dhacay Sh/Hoose.

Dowlada Somalia ayaa sheegtay in afhayeenka Al-shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali dheere) lagu dhaawacay weerar maalmo ka hor ka dhacay gobolka Sh/hoose.

Idaacada codka ciidamada ee loo yaqaano SNA radio ayaa baahisay in howlgal ciidamada Danab ka fuliyeen degaanka Shaam oo dhow Aw-dheegle lagu dilay 17 ka tirsan Al-shabaab.

Waxay idaacadu intaas ku dartay in sidoo kale lagu dhaawacay howlgalkaas 11 kale oo uu ku jiro afhayeenka Al-shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali dheere).

Idaacada oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan ciidamada Danab ayaa tilmaantay in dhaawaca Cali Dheere la geeyey degaan hoos yimaada Degmada Kuntuwaarey ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Al-shabaab ayaana wali ka hadlin warkan, iyagoo inta badan aan ka jawaabin sheegashada dawlada, Sidoo kale ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya ama beeninaya warka sheegaya in la dhaawacay afhayeenka Al-shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali dheere).

Exit mobile version