Horu-mar Laga Gaadhay Dawaynta Cudurka Halista Ee Ebola Oo la Shaaciyay.

Afar dawo oo cusub ayaa waxaa lagu tijiaabiyay bukaanada ku sugan dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo halkaas oo uu ka dilaacay.

Dawooyinkan ayaa lagu kala magacaaba REGN-EB3 iyo mAb114, waana waxtarkooda lagu kalsoon yahay sida daraasadu sheegtay.

Darasaadda ayaa lagu xusay in boqolkiiba 90 dawada lagu daweyn karo Ebola, laguna guuleystay sida dhakhaatiirta ay sheegayaan.

Wixii hadda ka dambeeyo daawooyinka waxaa lagu daweyn karaa dhammaan bukaanada qabo Ebola, sida ay sheegayaan saraakiisha caafimaadka ee dalkaas.

Machadka ka hortagga xaasaasiyadda iyo cudurada oo maaligelisay daraasadda ayaa waxay ku tilmaantay tallaabo horumar ah oo lagula dagaalamayo Ebola.

Exit mobile version