WARARKA




Duul Wada Muftiya!!…… W/Q:-C.wahaab Maxamed Mawliid.

Arimaha Caafimaadka,Farsamada gacanta Sida Warshadaha Dabka dhaliya,Ama qalabka Xiligan aynu kujirno uu isticmaalkiisu ugu badanyahay Waa Electoroniga eh,iyo dhamaan Aaladaha Xiligan la Adeegsado. Marka laga hadlayo Ciladd Saarista Aaladahan aan soo xusay waxa la raadiyaa Cid Aqoon iyo khibrad u le, oo dhibyaraan ciladd saar ku samayn karta,noociyadda Aaladda la rabo in la farsameeyo xiliyada qaar waxa dhaca in farsamo yaqaano khibrad gaar ah ule laga dalbado Shirkadihii Shisheeye ee Soo saaray markii ugu horaysay waxana lagu kharash gareeyaa dhaqaale badan .kaliya waxa laga taxadarayo ayaa ah in la farsamo xumeeyo Qalabkan kadibna la kharibo oo cidii lahayd khasaare xooggani uu soo gaadho. Ilaalin iyo dhawris la dhawrayo Aalada ayaa loo raadiya Cid Aqoon gaara ule looma diro qofkasta dhamaan dadkuna Aragti kama wada dhiibtaan oo qofkasta ma cabiro sida ay latahay. Hadii uu isku qaado waa la la yaabaa oo waxa la odhanayaa farsamo aanu garanayn ayuu ka hadlayaa kadibna waa lagu canaantaa. Dhanka kale qofku haduu jirado Ama uu Xanuun sado uma tago geerashle si uu xanuunka uga daaweeyo mana raadsado laydhle, isaga oo ilaalinaya naftiisa ayuu Raadadaa dhakhtarka uu Aqoon ku tuhmayo. Su aashu Waxay tahay Maxaa Sababay in Maanta uu Qofkastaa Ka hadlo Ama rayi ka dhiibto Arimo Saamayn kule Aduunka iyo Aakhiroba,? Magarbaa in aynu Arimihii Aduunka oo Kaliya ina Saamaynayay aynu khubaro iyo dad Aqoon ule aynu udaba fadhijsano? Dhanka kale Arintii ka mudnayd ee Saamaynaysay labada daaroodba Aakhiro iyo Aduunkaba aynu dhamaanteen kawada hadalno,? Aragtiyo iyo rayi ki salaysan caqli aan aad looga shaqaysiin aynu ku cabirno Quraankii iyo Sunadii, oo qofkastaa uu yidhaa Anna Sidaa ayay ila tahay,waa Arimaha Shareecada iyo Diinta oo aad Arkayso in maanta qofkastaa uu kahadlayo! Alle Weyne Xumaani haka Nasahnaatee,,waxa uu ina faray in Arimaha Diinta iyo shareecada la xidhiidha looga dambeeyo oo wax laga waydiiyo dadka Aqoonta u leh. Ugu dambayn waxaan ku talin lahaa sida dadka kale ayn ugu ixtiraamayno farsamada Ay Aqoonta u leeyihiin,waxa ka mudan in aynu culimada ku tixgalino oo aynu odaba Fadhiisano Diinta.

W/Qalinkii:-Clwahaab Maxamed Mawliid: