XOG : Dawlada Somaliya Oo War Bixin Hor Dhac Ka Ka Soo Saartey Badhitaankii Qaraxii Lagu Dilay Gud Yariisow

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in laba haween ah ay ku lug lahaayeen qaraxii 24-kii July ka dhacay guriga dawladda Hoose ee Muqdisho oo lagu dilay Duqii Muqdisho iyo siddeed qof oo kale.

Dawladda ayaa sheegtay in gabadha isa soo miidaamisay ay qabtay baahiyaha gaarka ah, isla markaana ay ku takri-fashay caaddifaddii loo hayey.

Gabadhan oo aragga la’eed ayaa waxaa qaraxa ku gacan siiyey gabar kale oo kaaliye u ahayd. Labada gabdhood ayaa ka mid ah shaqaalaha maamulka.

Dawladda waxay sidoo kale sheegtay in labada haweenka ah ay qaateen fasaxyo isku dhow isla markaana ay u safreen dhulka ay ka taliyaan Al-Shabaab.

Waxay sidoo kale dawladdu sheegtay in baadhitaankii loo baahnaa aan la marsiin markii la shaqaalaynayey labada dumarka ah.