Somaliland: Booliska oo xabsiga u taxaabay Wariye ka tirsan Hadhwanaagnews iyo Gudd. SOLJA oo ka hadlay.

Cabdiqani Asparo oo kamid ah Tafaftireyaasha Hadhwanaagnews oo xalay la taxaabay, sababta keentay xadhigiisa iyo Guddoomiyihii Horyaaltv oo shan maalmood Saldhiga ku xidhan…

Guddoomiyaha SOLJA oo sharci darro ku tilmaamay xadhiga Wariyeyaasha..

Hargeysa(GNA)-Ciidanka Booliska Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay habeenkii xalay mid kamida Tafaftireyaasha Shebekada HadhwanaagNews, kaddib markii ay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex 3-dii bishan xayiraad ku soo rogtay Shabakadaasi oo sida amarka xayiraada lagu sheegay uu ka dacwooday Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Dalka Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi).
Cabdiqani Cabdilaahi Axmed (Asparo), ayaa la sheegay in ay niskii dhexe ee Xalay Ciidanka Boolisku ka qabteen guriga uu ka degenaa Magaalada Hargeysa, kaddibna u taxaabeen xarunta C.I.D-da, halkaasoo uu ku xidhan yahay.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Ciidanka Booliska oo la xidhiidha sababta keentay xadhiga suxufigan, hase ahaatee wararka ayaa sheegaya in amarka lagu qabtay uu ka soo baxay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex oo daba socota fulinta xayiraad ka soo hor-martay dhegeysiga Dacwada loo haysto hay’adda uu ku shaqaynayey wariyuhu ee Hadhwanaagnews, sida uu Gobanimonews u xaqiijiyey Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac.
Guddoomiye Xuuto ayaa sheegay in Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolku u xaqiijiyey in uu bixiyey amarka lagu xidhay Suxufigan iyo wariye kale oo isna ka howlgala Shabakadaasi oo aan isaga wali la qaban.
“Waxa loo haystaa sida uu guddoomiyaha maxkamadda gobolka hargeysi noo xaqiijiyay warar danbe oo ay mareegta hadhwanaag ku qoreen, taasoo ay maxkamaddu xayirtay. Guddiomiyaha maxkamaddu waxa kale oo uu noo xaqiijiyay amarka qabashadooda inay amartay isaga iyo c/risaaq Good ba.”sidaas ayuu GNA u sheegay.

Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto, Guddoomiyaha Ururka SOLJA

Maxamuud Cabdi Jaamac, waxa uu intaasi ku daray in ay urur ahaan dhaleecaynayaan xadhigga wariyahan iyo mid kasta oo eeddeymo loo haysto, waxaanu tilmaamay isagoo arrintaasi ka hadlaya; “Ururka SOLJA, waxa uu mar walba taagan yahay in dacwada suxufiyiinta iyo hay’adaha warbaahintaba si cadaalad ah loo qaado iyadoon la xidhin.”
Geesta kale , Cabdirisaaq Good oo kamida maamuleyaasha Hadhwanaagnews, ayaa bartiisa Facebook qoraal kooban oo uu soo dhigay ku xaqiijiyey xadhiga Suxufigan, laakiinse wax tafaasiil ah kamuu bixin qaabka loo qabtay iyo in wax jidh-dil ah loo geystay iyo in kale.


Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa 3-dii bishan September soo saartay amar ay ku xayirayso howlihii shaqo ee xarunta Hadhwanaagnews ee dalka, iyada oo aan dhegaysan Dacwada laga qabo ee ay Boolisku u soo gudbiyeen, amarkaas oo ay sharci darro ku tilmaamay Sharci-yaqaannada iyo Ururradda u doodda Saxaafadda oo ay kamid yihiin Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA iyo Ururka Warbaahinta Mareegaha ee SOMA.

Amar Xayiraad ah oo loo fuliyey Guddoomiyaha Baanka Somaliland Cali Ibraahim Jaamac

Dhinaca kale, Shirkadaha bixiya adeegga Internet-ka oo kamid ahaa Hay’addaha lagu socodsiiyey amarka Maxkamadd, ayaa fuliyey oo ay qaarkood ka xidheen in mareegta laga booqdo Internet-kooda.
Wariye Cabdiqani Asparo ayaa noqonaya suxufigii labaad ee ay Ciidanka Booliska Somaliland xabsiga u taxaabaan todobaadkan gudihiisa, waxaana ka horeeyey oo Jimcihii isna la xidhay Guddoomiyihii Telefishanka Horyaal Maxamed Cismaan Mirre (Sayid) oo ku xidhan saldhiga dhexe ee Hargeysa.
Sayid ayaa isaga loo haystaa Barmaamuj ka baxay Telefishankiisa oo ay bulshadu dhibsatay, kaasoo la sheegay in uu ka hor imanayo dhaqanka iyo diinta Islaamka, aanse wali wax dacwad ah Maxkamad looga furin.