Tanzania oo soo baadbaadisay Jebiso ‘la rumeysan yahay inay leedahay awood ruuxi ah’

Mas’uuliiyiinta dalka Tanzania ayaa soo badbaadiyay Jebiso weyn oo ay kusoo xoomeen dadka deegaanka oo rumeysan in Jebisadu ay leedahay awood ruuxi ah.

Dadka deegaanka waxay isugu uruureen keymaha Kasala oo ay Jebisadu lagu arkay.

Jebisada ayaa lagu qiyaasay dheereerkeedu 3 Miitar, waxaana labo toddobaad ka hor lagu arkay waqooy galbeed dalka Tanzania.

Dadka waxay Jebisadu u geynayeen xoolo nool si ay u cunto isla markaasna ay rumeysan yihiin in Jebisadu ay daweyn karto cudurada qaar , roob ay keeni karto, iyo in Sheeydaanka ay ka eryi karto.

Dadka deegaanka waxay Jebisadu geeyeen geed hoostiis halkaas oo ay ku duceysanayeen.

Wasaaradda deegaanka iyo dalxiiska ayaa markii dambe xaaladda soo faragelisay isla markaasna waxay Jebisadu geeysay goob lagu xannaaneeyo xayawaanada oo ku taal halkaas.

Exit mobile version