Ugu yaraan 23 carruur ah ayaa ku geeriyootay dab ka kacay Iskuul ay ardeyda seexdaan oo ku yaalla duleedka caasimadda Liberia ee Monrovia.
Carruurta waxay jiifeen dhismo ku ag yaalla misaasjid markii uu dabka kacay subaxnimadii saaka.
Booliska ayaa BBC u sheegay inay raadiyaan meydad kale.
Madaxweynaha Liberia, George Weah ayaa tacsi u diray ehelada carruurta ku dhimatay dabka.