Abiy Ahmed Oo Workneh Gebeyehu U Magacaabay Xoghayaha Guud Ee IGAD.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa u magacaabay Xoghayaha Guud ee IGAD Workneh Gebeyehu, tanoo ka dhigan in xilka Guddoomiyenimada IGAD inuu ku wareegayo dalk Kenya.

Kursiga Xoghayaha Guud ee IGAD ayaa waxaa dooneysay inay qabato dowlada Soomaaliya iyadoo hore uu u hayay muwaadin Kenyan ah.

Qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa lagu sheegay in Gebeyehu uu muddo afar sano ah hayn doono xilka loo magacaabay ee xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD.

Horaantii Bishan ayaa magaalada Addis Ababa waxaa ka dhacay shirweyne ay isugu yimaadeen madaxda xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD.

Workneh Gebeyehu ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dalka Ethiopia isagoo noqday Wasiirka Gaadiidka sanadkii 2012, waxana xubin ka ahaa xisbiga Oromada iyo weliba xisbiga EPRDF.