Talyaaniga Afrikaanka ah ee doonaya in muhaajiriinta ay dalalkooda ku laabtaan

Tony Iwobi, sida janaraalkii qarnigii 19-aad dhisay Talyaaniga casriga ah, waxaa loo aqoonsaday “inuu taariikh sameeyay”. Waa ninkii ugu horreeyay ee madow ah oo Senator ka noqda dalkaasi Talyaaniga.

Mr Iwobi ayaa qirtay inuu dareemay “sida cunug yar oo iskuul la geeyay maalintii ugu horreysay” markii uu la fadhiistay 320 kale oo senator ah. Wuxuu sheegay inuusan keliya xil ka saarneyn Talyaaniga, balse uu sidoo kale matalo qaaradda uu ku dhashay uuna ku soo barbaaray.

Waxaa la doortay sanadkii hore, taasoo qeyb ka ahayd taageerada xisbiga League, oo isbahaysi sanad ah la sameystay Dhaqdhaqaaqa Five Star. Xisbiga League inkastoo uusan hadda heynin awoodda haddana weli waa xisbiga ugu caansan Talyaaniga oo 33% ka helay codbixintii ugu dambeysay. Waxaa lagu yaqaannaa inay ka soo horjeedaan soo galootiga.

Dadka ka soo horjeeda ayaa sheegaya in Mr Iwobi, oo ah afhayeenka soo galootiga ee xisbiga, loo adeegsaday in lagu daboolo “aragtiyada isir-nacaybka ku saleysan” ee xisbiga. Waxay tusaale u soo qaateen dhacdadii sanadkii 2013-kii, markaas oo senator ka tirsan League uu wasiirkii ugu horreeyay ee Talyaaniga ee madow ah, Cecile Kyenge, ku tilmaamay “daanyeer”.

Mr Iwobi ayaa qirsan in saaxiibkiis “uu khaldamay” balse wuxuu beeniyay eedeymaha ah in xisbigiisa uu adeegsado: “Ha soo raadiyeen taariikhdeyda,” ayuu yiri. “Cidna ima adeegsato. Waxaan ku fekeraa maskaxdeyda.”

‘Waxaan la jiraa Salvini’

Ninkan oo asal ahaan u dhashay dalka Nigeria ayaa Talyaaniga ku soo galay dal ku galka ardaynimo sanadkii 1977-kii. Qorshihiisa wuxuu ahaa in marka uu waxbarashada dhammeeyo kaddib uu ku laabto dalkiisa, balse wuxuu go`aankiisa beddelay markii uu la kulmay haweeney Talyaani ah, taasoo hadda ah xaaskiisa.

Wuxuu ku biiray xisbigiisa, oo loo yaqaannay Northern League, sanadkii 1993-kii. 20 sano ayuu ka tirsanaa dowladda hoose ee gobolka waqooyiga dalkaasi ku yaalla ee Bergamo.

Xafiiskiisa waxaa suran funaanad ay ku qoran tahay “Waxaan la jiraa Salvini” – taasoo ah calaamad muujineysa taageerada uu u hayo hoggaamiyaha xisbigiisa, Matteo Salvini.

Markii uu xilka hayay, Mr Salvini waxaa lagu xusuustaa inuu joojiyay doomaha ay soo galootigu la socdeen, isagoo sababay in boqollaal muhaajiriin ah ay ku go`doomaan Badda Mediterranean-ka. Balse Mr Iwobi ayaa ku adkeysanaya in xisbiga League uusan ka soo horjeedin soo galootiga.

“Waxaan taageersanahay muhaajiriinta sharciga kusoo galay. Qof walba oo si sharci ah ku soo gala waa la soo dhoweynayaa. Waxaan la jirnaa qaxootiga, balse waan ka soo horjeednaa soo galootiga sharci darrada ah, kuwaasoo dhinta iyagoo isku dayaya inay Yurub tagaan,” ayuu yiri Iwobi.

Sida hoggaamiyaha xisbigiisa, Mr Iwobi ayaa u arka qulqulka boqollaalka kun ee muhaajiriinta Afrikaanka ah, ee soo maraya saxaraha iyo badda si ay u yimaadaan Talyaaniga, ay tahay natiijada ka dhalatay siyaasad xumada soo galootiga.

‘Horumari Afrika’

Aragtidiisa waxaa ku raacsan Paolo Diop oo ah Talyaani madow. Mr Diop, oo 30 jir ah, ayaa Talyaaniga soo galay isagoo labo sano jir ah, wuxuuna kasoo jeedaa dalka Senegal.

Diop leading a session about migration to Italy

Dad ka soo jeeda Itoobiya, Soomaaliya iyo Eretariya ayaa ku barbaaray dalkaas iyagoo bartay luqadda Talyaaniga iyo dhaqanka waddankaas. Dad badan oo u soo guuray Talyaaniga ayaa la fajacay sida dadka Talyaaniga ah aysan uga warqabin xaaladdooda.

Dr Pesarini oo muddo dheer dalkaasi ku nooleyd ayaa sheegtay in dad badan oo Talyaani caddaan ah ay la yaabaan marka ay arkaan iyadoo luqadda Talyaaniga si fiican ugu hadleysa. Dadku waxay i weydiiyaan: ”Xaggeed ka timid?’ waxaan dhahaa: ‘Waxaan ka soo jeedaa Rome’. Waxay i weydiiyaan: ‘Maya, xaggeed asal ahaan ka soo jeeddaa?’ Waxaan kaddib xaqiiqsadaa sida isirka, caddaannimada iyo gumeysigu ay weli maanta saameyn ugu leeyihiin dhalashada talyaaniga”.

In Afrika loogu laabto si mutadawacnimo ah

Dadka xuquuqda u ol’oleeya ayaa ka doonaya dowladda in dadka ku dhashay kuna barbaaray Talyaaniga ay u fududeyso dhalashada dalkaas. Balse waxaa arrintaas aad uga soo horjeeda xisbiga Paolo Diop ee Brothers of Italy iyo kan Senator Iwobi, ee League.

Mr Iwobi ayaa beeniyay cabashada dadka xuquuqda aadanaha u dooda, isagoo sheegay in kuwa loo diiday dhalashada Talyaaniga aysan raacin shuruucda.

Senator Iwobi ayaa doonaya in dadka weli sida sharci darrada ah ku jooga Talyaaniga loogu celiyo dalalkooda.

Tommy Kuti oo fannaan ah ayaa ka soo horjeeda aragtida Iwobi: “Waxaan u maleynayaa in haddii uu doonayo in muhaajiriintu ay joogaan Afrika, uu isaga tusaale wanaagsan u noqdo uuna ku laabto Afrika, ayuu yidhi”.

XIGASHO BBC