Agaasimaha Guud ee Wasaarada Maalgashiga Dalka Somaliland Oo Safar Shaqo Ugu Baxday Dalka Djabouti.

Hargeisa(GNN):-Agaasimaha Guud ee Wasaarada Horumarinta Maalgashiga Marwo Deeqa Abdi Yusuf Oo Safar Shaqo Maalintii shalay ugu baxday dalka aynu jaarka nahay ee djabouti ayaa kulamo kala duwan la qaadatay masuuliyiinta Hay’ada u Qaabilsan dalka Djabouti Arrimaha maalgashiga.

Waxaana safarkan Agaasimaha guud  Wasaarada Maalgashiga Somaliland La xidhiidha Arrimaha maalgashi ee Dalka Somaliland oo si xawliya u dhaqaaqay mudooyinkii danbe kuna soo dhiiradeen maalgashadayaal ka kala socoda dalalka aynu jaarka nahay iyo wadamada xidhiidhka diblamaasiyadeed ay wada leeyihiin Somaliland.

Kulamadan iyo Shirarkan Ay Agaasimaha guud Wasaarada maalgashiga Somaliland La yeelanayso Madaxda hay’ada Maalgashiga djabouti iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan dalkaasi djabouti ayaa daba socoda Sidii labada dawladood uga wada shaqeyn lahaayeen Arrimaha maalgashiga iyo xidhiidhka wadashaqeyneed ee labada hay’adood.

Safarka Agaasimaha Ayaa Qaadan doona Maalmo ay kulamo gaar gaar ah la qaadantooda Madaxda Dalka Djabouti.

 

Hargeisa Somaliland 

Gabiley News Network