Gudoomiye Ku Xigeenka Wajaale Oo Tacsi Udiray Qoysaska Laba Sarkaal Oo Shil Gaadhi Ku Geeriyooday

TACSI Gudoomiye Ku Xigeena:23/10/2019
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI Gudoomiye Ku Xigeenka Degmada Wajaale Mursal Nuux Cismaan Waxa Uu Dhambaal Tacsi Ah U Dirayaa Ciidanka Dab-Damiska Qaranka Oo Ay Ka Baxeen Laba Sarkaal Oo Shil-Gaadhi Ku Dhintey Halka Afarta Sarkaal Ee Noolna Ee Dhaawacu Soo Gaadhayna  Uu U Duceeyey In Illaahay Caafimaad Sareexana Siiyo.

Gudoomiye Ku Xigeenka Degmada Wajaale Mursal Nuux Cismaan Ayaa Isagoo Ku Hadlaya Afkiisa, Ka Maamulka Wajaal Iyo Ka Shacabka Magaalada Wajaale  Waxa  Uu Tacsi Tiiraanyoleh Ka Tacsiyadeynayaa Guud Ahaan Qaranka Jamhuuriyada Somaliland Gaar Ahaan Ciidanka Dab-Damiska Qaranka Ee Ayka Baxeen  Laba Sarkaal Oo Maanta Xaqii Ku Haleelay Shil-Gaadhi Oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Hargeisa Khaas Ahaan Kaantaroolka Barriga Magaalada, Labada Sarkaal Oo Kala Ahaa Hogaan-Xigeenkii Caafimaadka Marxuum: Dr.C/Naasir Iyo Hogaan-Xigeenkii Isgaadhsiinta Marxuum: Maxamed Cilmi, Waxaanu Ilaahey Uga Baryey Inuu Naxariistii Jano Ku Casuumo  Kitaabkoodana Midigta Uga Dhiibo Su’aasha Qabrigana U Dhib Yareeyo, Sidoo Kale Qaranka, Qoyska, Qaraabada, Ehelada, Iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somalilanda  Uu Raxmaanku Samir Iyo Iimaan Saadiqa Uu Ka Siiyo.

Gudoomiye Ku Xigeenka Wajaale Ayaa  Allaah (SWT) Caafimaad Sareecana U Weydiiyey Afarta Sarkaal Ee Nool Oo Uu Ka Mid Ahaa Taliyihii Dab-Damiska Gobalka Gabiley Guuleed Maxamed Cabdi Oo Dhaawaciisu Fudud Yahay, Dhamaantood Waxaan U Rajaynayaa Caafimaad Qab Iyo Inuu Ilaahey Caafimaad Buuxa Siiyo, Waan U Ducaynanaa Walaalaheenaa Dhaawaca Ah Insha Allah Waxan Urajaynanaa Caafimaad Sareexana Ayuu Yidhi Gudoomiye Ku Xigeenku

Gudoomiye Ku Xigeenka Degmada Wajaale  Ayaa, Labada Marxuum Ee Qaranka Illaahay Ka Jeclaaday,Ku Tilmaamay Geesiyo Hadh Iyo Habeen Heegan Buuxa Ugu Jiray Ilaalinta Iyo Badbaadinta Shacabkooda Iyo Qarankooda.

Waxay Ahaayeen Dhalinyaro Dadaal Badan.Oo Ahaa Tiirarka Iyo Dhidibada Uu Qarankan Ku Taagnaa.Waxay Habeen Iyo Dharaarba Ay Diyaar U Ahaayeen,Badbaadinta Iyo Samata Bixinta Dad Iyo Duunyoba.Waxan Ku Xasuusana In Ay Sameeyeen Hawlgalo Lagu Badbaadiyay Dad Iyo Duunyo Oo Ay Horseed Iyo Hogaamin Ayka Ahaayeen.

Waan Uduceynanaa Waxanan Illaahay U Waydiinanaa In Uu Jano Fardawsa Ku Casuumo Elelkii,Qaraabadii,Asxaabtii,Iyo Shacbiga Reer Somalilanda, Uu Samir Iyo Iimaan  Saadiqa Inaga Siiyo.Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin