Allahayow Mujaahidkiyo Maxaa Agoonta Kala Haysta..W/Q:-Qaamuuska Qarniga.

“Rajaddii Ay Qabeen iyo Rafaadkii Ay U Soomareen Dalka Wali Waa Riyo Aan Rumoobin”

Waxay ahaayeen xoolo dhaqato,iyo reero doog-raac ah, oo Geediga u lowlaba kolba halka ay daruurtu ka daroorto ,waxaan laf dhabar u ahaa noloshooda dheefta xoolaha iyo caanaha ay ka dhiijiyaan.
Mar ay u caano diiqaan iyo mar ay maryo iyo adeeg ka doontaan mooyee dan iyo heelo kama ay lahaan jirin noloshal magaalada ee waxay ku faraxsanaayeen oo ay ku faani jireen nolosha macaan ee miyiga iyo reer guuraanimada. Wax daryeel ahna kuma ay qabin dibindaabyo mooyee dawlada ka dhisan dalkooda hooyo.
Iyagoo ku daansho daanshoonaya noloshaa bilaa buufiska ah ayaa waxaa u yimid rag jabhad ah oo ay isku Hayb yihiin oo wada fara madha.n waxay reerihii la dhex galeen war dhiilo ah oo waxay u weriyeen, in dawladii dalka ka dhisnayd bilowday dagaal ka dhan ah isirka qabiilka ay ka soo jeedaan sidaas awgeed aanu fadhi u oolin
Markasay qaylo-dhaantii wada gaadhsiin reerihii waxayna u sheegeen in dadkii ay isku qabiilka ahaayeen ee ku noolaa magalooyinka ay u qabsameen, wax jeel ku jira iyo wax la jidh dilo oo car juuq dheh la yidhaa islamarkaana halganku lama huraan yahay.
Inkastoo ayna wax manfac ah ku qabin dawladan la sheegayo hadana dawanka qabiilka iyo durbaanka ay tumayaan duub weynta jabhadu ayaa dubaaqooda lulay markaasay Hawraarsan wada yidhaahdeen waxayna noqdeen xansaskii huriyey halgankii hubaysnaa ee dib u xoreynta dalka, duunyadoodu waxay ahayd xoolo nool iyana midh lama ay hadhin xooloahoodiina waxay noqdeen badh ay u loogaan madaxda jabhada, iyo badh ay ku baxnaaniyaan dhaawaca mujaahidiinta.
Odey iyo inan yar looma kala hadhin ee dhamaan waxii gaashaan qaad ahaa ee reeraha joogey waxay toos u galeen dagaalka waxayna iyaga oo aan qabin tababar ciidan oo aan wadan sahay iyo saanad ku filan u babac dhigeen ciidan dawladeed oo dhisan kana mid ahaa mid ka mid ah milatarigii ugu awooda badnaa qaarada afrika.
Sareedada allaa baxshee niyadsamaantoodii iyo naf-hurkii ay la yimaadeen ayaa suurto gal ka dhigay inuu halgankii hubaysnaa guulaysto oo geiyagu xoroobo.
Dalkii waa xoroobay duunydoodii waxay ku baxday dagaaladii dadkiina waxay u qaybsameen wax naftii ku waayay iyo wax naafoobay iyo hooyooyin asay sida oo wata agoomihii ay dhaleen curadadoodii ku leeday dagaalka.
Ma jirto sabab ay ugu sii negaadaan miyigii ay hore ugu noolaayeen oo waa kuwaa xoolohoodii ka baxay,waana laga maarmaan in nolol loo raadiyo agoonta iyo waxii baaqi dadkii Hadhay, waxay soo galeen magaalooyinkii inta badana waxay isku soo shubeen caasimada oo loo badnaa,waxay cariishyo iyo hoy ka samaysan daasadaha caanuhu ka dhamaadaan iyo dharka jirqinka ah ka dhisteen buurta kala jeexan iyo banaanada ku yaala duleedka magaalada hargaysa.
Inkastoo ayna helin dib u dejin iyo daryeel dawladeed hadana halkaas ayay iskaga negaadeen oo ay ku korsan jireen agoontii iyo naafadii dagaalada. Niyad samidii ay hore ugu galeen halganka dalka ayay hadana u galeen halgan nololeed oo qofba tab iyo xeel uu ku xoogsadaba ma waayi jirin maalin dagaalka iyo wax kastoo lagama maarmaan u ah noloshooda.
ku dhawaad sodon sano Waxay sugayeen oo ay saadinayeen inay helaan dawlad la dareen ah oo mar uun u damqata duruuftooda nololeed. Kolba waxay samirka iska qooshtaan oo waayahooga ay laabta iskaga haystaan ayaa waxaa soo gaadhay war farxad galiyey balse filan waa ka dambeeyey.
Waxay Arag-Maqalka iyo idaacadaha ka maqleen in madaxweynaha dalka uu u sharaxan yahay gudoomiyihii ugu mudada dheeraa ee jabhadii ubadkoogu ku waayeen aabayaashood hooyooyinkuna ku waayeen odayadoodii, waa kuwaa hanqalka la soo kacay ee mar kale dib u noolaaday dareenkoodii dhintay .
Waa kuwaa hawraarsan yidhi ee niyadsamaantii ay caanka ku ahaayeen ku taageerey ee yidhi;
Markii lana kufsaday
Kuwii naga kacshee
Kulmiyeynu nahay
Ku dhawaad tobon sano ayuu talada dalka hayay halyeygii hogaaminayay halgankii ay ku naafoobeen badhna ku agoomoobeen waxba’se kama ay dheefin balse hagardaamo toos ah kuma ay qabin .
Is jiid jiid dheer ka dib waa kaa hogaamiyihii halganku xilkii xisbiga ku wareejiyey mid ka mid ah mujaahidiintii ugu fadalka cadaa halgankii hubaysnaa .
Waa kuwaa marka kale hanqalka la soo kacay ee midba midka kale dhegta ugu sheegay “imikaynu helnay hogaamiyihii aynu doonaynay mujaahid go,aan adag oo marxaladihii dalku soo marayna ka dharagsan”.
Hiil iyo hoo midna kalama ay hadhin ee mujaahidkii way hareero istaageen, ruux kastaa waxuu helayay ayuu huray,hooyooyinkii ayaa dahabkooii u xaraashay ay ka iibsadeen caano diiqda iyo dabo qablaynta(Dabo Qableeya waa dumarka raashinka ka iibiya shaqaalaha dhismaha ee kolba meel ula guura sidaas ayaa loo yidhi Dabo Qableeya)
Jibada haysay Hooyooyinka darteed ayaa keentay inay ugu heeseen:
IJIIDH MUUSOW I JIIDH
I JIIDH JIIDHKAYGIYOW
I JIIDH JANADA AAN GALEE
Musharaxii agoontii iyo naafadii jabhadu waa guulaystay mujaahidkii go,aanka adkaana waxuu noqday Madaxweyne. Maxaase ka dambeeyey? Bal dba!!
Iyagoon dhamaysan miraaqadii iyo mashxaradii guusha oo dabaal dagii wali ku jira ayay durba yidhaahdeen” waxii I heley baan la yaabay”.
Iyaba waa tabaalo aduun iyo tu,aan la eegeyna waxaa habeen madow galalafay oo ka soo dul degay ciidan wada duub-Cas iyo Askar hubaysan
Iyo waar maxaa dhacay ?kute ka xamaan uruursada bartan aad degan tihiin waa beertii madaxweynaha Oo yaanu gabalku idiinku dhicin. Waa kuwaaa hooyooyinkii I jiidh shalay lahaa ku waraaqay Madaxweyne Waa Buur Ee Maaha Beer.
Hadaan dhab u eegno xaalada buurta kala jeexan; qaylada ka baxaysa umusha iyadoon afartan bixin xabsiga loo taxaabay,ilmada ubadkii ay dhaleen agoontii SNM iyo baroorta hooyooyinkii shalay jibadu haysay ayaa isla oogsaday, labadii daamood ee hargaysina waa kuwaa anfariirsan.

 

W/Q:-Cabdikariim Muxumed Cadde.

   Qaamuuska Qarrniga.