Asad:- Erdogan Waa Burcad, Wuxuu Qaatay Warshadaheenii Saliida Haddana Dhulkii

Madaxweynaha Suuriya Bashar Al-Asad ayaa weerar afka ah ku qaaday dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo uu ku tilmaamay in uu yahay nin Burcad ah oo ku soo duulay Suuriya.

Mr Asad ayaa wacad ku maray in ay dib u qabsan doonaan dagaanada ka maqan ee ku yaal waqooyiga Suuriya oo ka baxay gacanta dowlada intii lagu guda jiray dagaalkii Sokeeye.

Hadalkaan ayuu ka sheegay kadib booqasho uu ku tagay Jiida hore ee dagaalka ee waqooyiga Suuriya.

Erdogan waa burcad wuxuu xaday warshadaheena Saliideena iyo qeyraadka yaga, hadana waxa uu doonayaa in uu qaato dhulkeena mana u dulqaadanayo ayuu Yiri.