Maxaa Ka Soo Baxay Kulankii Erdogan Iyo Putin?

Madaxweynayaasha Ruushka iyo Turkiga ayaa kulankooda ku soo idlaaday magaalada Sochi kaasi oo socday mudo Saacado galabnimadii salaasada.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin, ayaa ka wadahadlay arimo fara badan oo ay ka mid tahay iskaashiga dhanka difaaca iyo dhaqaalaha.

Xukuumadaha Ankara iyo Moscow oo saaxiibo dhow ayaa dhanka kale soo hadal qaaday maleeshiyada kurdida ee ku sugan waqooyiga Suuriya.

Dhanka kale Putin aya ku qanciyay Erdogan in 150 saacadood ah uu dib u dhigo go,aankiisa si fursad kale loo siiyo waxaana la isla gartay mudo 150 Saacadood ah.

Dhanka kale madaxweynaha Turkiga ayaa meesha ka saaray in dano gaar ah ay ka leeyihiin Suuriya waxaana uu sheegay in ciidankiisa uu ka soo saari doono marka ay kurdiyiinta ka huleelaan deegaanada ku dhow Xadka.