Dibadbaxyo lagu tageerayo Jawaar Maxmed oo ka dhacay Itoobiya

Dibadbaxyo looga soo horjeedo tallaabada dowladda Itoobiya ay ku dooneysay inay ilaalada kala noqoto ninka saameynta weyn ku leh siyaasadda Itoobiya isla markaasna u doodo xuquuqda qowmiyadda Oromada Jawaar Maxamed ayaa ka dhacay guud ahaan dalkaas.

Boqolaal qof ayaa dibadbaxyo ka dhigay afaafka hore ee guriga Jawaar, waxayna ku dhawaaqayeen hal ku dhigyo ay ku taageerayaan.

Waxay dibadbaxyada sidoo kale ka dhaceen gobolka Oromada, waxay arrintani ka dambeeysay markii Jawaar Maxamed uu bartiisa Facebook ku sheegay in ciidammada ay ku amreen in ilaaladiisa ay isaga baxaan gurigiisa.

Ma kala cadda sababta ka dambeyso in dowladda ay ilaaladiisa kala noqoto.

“Qorshaha ma aheyn in la i xiro balse wuxuu ahaa in la igala noqdo ilaaladeyda, rayidna lagu qalqaaliyo inay i soo weeraraan”

Jawaar wuxuu sheegay in ciidammo hubeysan ay gurigiisa tegeen ayna ku amreen ilaaladiisa ay halkaas isaga baxaan isago aan lagu wargelin.

Taliyaha booliska oo la hadlayay warbaahinta wuxuu sheegay in booliska iyo dowladda aysan aysan qaadin tallaabo ka dhan Jawaar.

.