Cajiib-Kooxda Alshabaab Oo Bilowday Inay Lacag u Dirto Dadka ay Dilayso Si ay ugu Iibsadan Maryaha Kafanta.

Muqdisho(GNN):-Al-Shabaab ayaa hadda bilowday qorshe cusub oo cabsi gelin ah, islamarkaana ay u adeegsaneyso dilalka qorsheysan ee ay geysato.

Qorshahan oo ah mid la yaab leh ayaa dad badan ku abuuray walaac xoogan, kadib markii lacagi uga timid kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab.

Lacagta oo u dhexeysa 10 illaa 20 Doller ayaa loo diray dadka qaar ay bartilmaameedsaneyso Al-Shabaab, iyada oo u sheegta inay tahay Kafantooda oo haddii ay disho lagu aasi lahaa.

Mid ka mid ah dadka loo diray lacagtan oo ahaa askari ka tirsan ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Minashiibiyada ayaa horraantii todobaadkan waxa ay kooxdu ku toogatay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Dharkenley.

Qaar ka mid ah ehellada marxuumka ayaa warbaahinta  u sheegay in afar bil ka hor xubno ka tirsan Al-Shabaab ay la soo xadhidheen marxuumka, una soo direen lacag dhan 20 Doller, taas oo loogu sheegay inay tahay Kafantiisa.

Sidoo kale qaar ka mid ah ehellada oo naga codsaday in aan shaacin magacyadooda ayaa xusay in marxuumka uu isticmaalay lacagaasi, balse la dilay todobaadkan, isaga oo ku jira howlo canshuur uruurin ah, iyadoona ay goobta isaga baxsatay kooxdii dishay.

Xogta aan helnay kuma eka askarigaasi la dilay, waxaana jira askar kale oo Al-Shabaab ay la soo xidhiidhay lacagana ay u soo dirtay.

Cali (oo aan qarinay magaciisa dhabta ah) oo ka tirsanaa ciidankii nabad sugida ee lagu biiriyey Booliska Soomaaliya ayaa inoo sheegay in markii uu ka tirsanaa NISA ay la soo xidhiidheen Al-Shabaab, uguna hanjabeen dil, haddii uu ka bixi waayo shaqada uu ka hayo hay’adda nabad sugida Soomaaliya.

Sidoo kale Cali ayaa noo sheegay in markii uu go’aankiisa ku adkeystay loo soo diray lacag 10 Doller oo loogu sheegay inuu ku soo iibsado Kafantiisa,

Ujeedada ay arrintan ka leedahay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay inay tahay mid ay ku cabsi gelineyo dadka.

Al-Shabaab ayaa weli ah awood ka dhex jirta guud ahaan gobolada somalia, iyadoona marar badan laga digay awooda kooxdan oo ku sii faafeysa meelo ka baxsan Soomaaliya.

 

Muqdisho Office

Gabiley News Network

News Writter.