Taliyeyaal Ciidan Oo Xalay Kooxo Hubaysani Ku Kala Dileen Magaalooyinka Muqdisho iyo Gaalkacayo.

Muqdisho(GNN):-Koox hubaysan ayaa Xalay fiidkii waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ku dishay Taliyihii kastamka wasaaradda maaliyadda Puntland.

Xasan Cabdulle Hiraabe oo ku magac dheeraa (Xasan Weyne) oo ahaa Taliyihii kastamada wasaarada Maaliyadda ee maamulka Puntland ayaa lagu dilay waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Dableydii dilka gaysatay ayaa goobta iskaga baxsatay waxaana la sheegay in taliyaha xilliga la dilayay oo ahayd salaadii cisho kadib uusan wadan wax ilaalo ah.

Magaalada Gaalkacyo ayaa ka mid ah magaalooyinka ay Al-Shabaab ka geystaan dilalka qorsheysan, maalintii Arbacada ee 16-kii bishan ayey eheyd markii taliyaha  booliska waqooyiga gaalkacayo uu ka badbaaday qarax loogu xidhay gaadhigiisa.

Dhinaca Kale Waxaa Magaalada Muqdisho Agagaarka Villa Somalia ka Dhacay dil noocan oo kale.

Taliyihii Ururka Gorgor ee ciidanka milateriga Soomaaliya horayna uga tirsanaa saraakiisha ilaalada Madaxtooyada ayaa caawa isaga iyo askari ka tirsanaa ilaaladiisa lagu dilay afaafka hore ee laga ilaaliyo Villa Somalia.

Taliyaha la dilay oo lagu magacaabi jiray Maxaadeey Saleebaan Eebakar iyo askariga ka tirsanaa ilaaladiisa ayaa dilkoodu yimid, kadib markii ay rasaaas ku fureen ciidanka ilaalada Hotelka Maa’ida Ex Naasa-hablood laba ee degmada Xamar wayne gaadhi uu watay sarkaalka.

Goobta uu falkaas ka dhacay ayaa maalmo ka hor la dhigay Bar koontorool oo laga ilaaliyo Hotelka, waana wadada ka baxda madaxtooyada ee ilaa dhanka Isgoyska Jubba.

Goobjoogeyaal Ka ag dhawaa inta uu dilku dhacayey ayaa xaqiijiyey inta aan rasaasta lagu furin uu codsaday in laga qaado birta si uu u gudbo, balse waxaa ka diiday ilaalada Hotelka.

Intaas kadib ayuu dib u qaaday gaadhigiisa wuuna ka soo dagay si uu mar kale uga codsado ilaalada Hotelka in laga gudbiyo birta, balse waxaa mar qudha rasaas huwiyay askartii ku sugneed barta koontorool ee laga ilaaliyo Hotel Maa’ida.
Sarkaalkan Caawa lagu khaarajiyey gudaha muqdisho ayaa kamid ahaa saraakiil ciidan oo ay soo tababartay dawlada turkigu islmarkaana taliye u ahaa ciidamada loo yaqaan gorgor.
Muqdisho Somalia.
Gabiley News Network.